Madaxweyne Siilaanyo oo Shacabka Somaliland iyo Eheladii uu ka Geeriyooday Ka tacsiiyey Marxuum Caaqil CAbdi Caaqil Maxamed Caaqil Cigaal

Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Shacabka iyo Ehelladii uu ka baxay ka tacsiyeeyey Alle ha u naxariistee Marxuum Caaqil CAbdi Caaqil Maxamed Caaqil Cigaal oo maanta ku geeriyooday Shil baabuur oo ka dhacay duleedka degmada Berbera, isaga oo marxuumku ka mid ah Madax-dhaqameed la socotay Weftiga Madaxweyne Siilaanyo oo maanta ka soo amba-baxay magaalada Burco.

Dhambaalka Tacsiga ee Madaxweynaha, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Boqorada, Isimada, Ugaasyada, Sulaadiinta, Cuqaasha, Shacabka Reer Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya Geerida Naxdinta leh ee ku timid CAAQIL CABDI CAAQIL MAXAMED CAAQIL CIGAAL kuna magac dheeraa Inna Hadoodil oo 20.03.2014 maanta ku geeriyooday Shil-baabuur oo ka dhacay agagaarka Hudisa oo u dhaxaysa Berbera iyo Sheekh, isaga oo marxuumku ka mid ahaa Masuuliyiintii ka qaybgalay soo dhawaynta Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu ku tilmaamay Caaqilkan masuul qaran oo ka baxay Somaliland kana mid ahaa dadkii ka soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, isla markaana Xilka Caaqilnimada ka mid ahaa dadka fara-ku tiriska ah ee ugu faca-weyn Somaliland, ka awoow ka awoow soo hayey caaqilnimada, uu maanta isaga oo haya la geriyooday.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii, uu ka baxay Marxuumku isaga oo alle uga baryaaya inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.