Madaxweyne Siilaanyo oo Marti-qaad Is-laab-xaadhasho iyo Taageero-doon ah ku Qaabilay Wasiirkiisii hore ee Ganacsiga

Siilaanyo_Maxamed BiixiHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa marti-qaad u fidiyey Wasiirkii hore ee wasaaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ay shalay ku kulmeen Qasriga madaxtooyada.

Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa madaxweyne Siilaanyo xilka Wasiirnimada ka qaaday bishii June ee sannadkan, ka dib markii uu la saftay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo xurguf siyaasadeed dhexmartay madaxweynaha iyo xubno ka tirsan golihisa wasiirrada oo ay ku hirdamayeen murashaxnimada iyo talada hoggaanka Xisbiga Kulmiye.

Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo maal-gashiga Caalamiga ah oo maalmo ka dib markii madaxweynuhu xilka ka qaaday socdaal ugu amba-baxay dalka Ingiriiska isla markaana fasixiisa uga faa’idaystay inuu kaga qayb-galo tartankii Koobka Adduunka ee lagu qabtay dalka Brazil, ayaa dhowaan ku soo laabtay dalka, waxaanu marti-qaadka madaxweynuhu u fidiyey ku soo beegmay maalmo kooban ka dib markii ay madaxweynaha iyo guddoomiyaha Kulmiye si rasmiga u soo af-jareen khilaafkii ka dhex-aloosnaa, isla markaana ay isaga tanaasuleen Arrimo door ah oo labadooduba markii hore ku ad-adkaayeen.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kulanka dhexmaray madaxweynaha iyo Wasiirkiisii hore Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, balse ilo-wareedyo si dhow ula socday kulanka, ayaa Somalilandpost.net u xaqiijiyey in madaxweynuhu Wasiirkiisii hore ku bogaadiyey go’aankii uu ku gaadhay inuu kaga feker-duwanaado Golaha Wasiirrada ee uu ka mid ahaa oo iyagu dhammaantood la safnaa madaxweynaha, marka laga reebo Dr Maxamed Cabdilaahi oo kaligii taageero siyaasadeed la bar-bar joogsaday Muuse Biixi Cabdi.

Warka aanu ka soo xigannay ilo-wareedka kulanka la socday, waxa uu intaas ku daray in Wasiirku madaxweynaha raalli-gelin ka siiyey wixii xanaf ah iyo duul-duul dhinaca ka soo gaadhay aragtiyaha siyaasadeed ee ay ku kala duwanaadeen, isla markaana uu madaxweynuhu ka aqbalay.

Shirkii Golaha Wasiirrada ee Khamiista todobaadkii hore oo madaxweynuhu ku marti-qaaday guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ayaa lagu shaaciyey inay ka heshiiyeen xurguf siyaasadeed oo kala fogeysay hoggaanka xisbiga iyo Xukuumadda, waxaanu madaxweynuhu halkaas ku faray golihiisa Wasiirrada inay si rasmiya ula shaqeeyaan isla makaana shaqadiisa ku bar-bar joogsadaan Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi.

Si kastaba ha ahaatee, Kulanka dhexmaray Madaxweynaha iyo Wasiirkiisii hore ee Ganacsiga oo daba-socda heshiiska lagu soo afjaray khilaafkii Kulmiye, ayaa u muuqda mid ay xukuumadda dib ugu dheyeyso boogihii ka soo gaadhay Ismaan-dhaaf kala-irdheeyey, laba qayboodna u qaybiyey Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisa, waxaanu u muuqdaa mid lagaga gaashaamanayo dhaq-dhaqaaqyo iyo duufaanno siyaasadeed oo Axsaabta mucaaradka ahi ku hayaan Xukuumadda iyo xisbigeeda. Iyada oo ay muddo kooban ka hadhsan tahay diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada madaxtooyada oo loo muddeeyey inay dalka ka qabsoonto bilowga bisha sagaalaad ee sannadkan. Halka Doorashada madaxtooyadana la filayo dalka inay ka dhacdo badhtamaha sannadka soo socda.

SOMALILANDPOST.NET

Hargeysa/Somalialnd

contact@somalilandpost.net