Madaxweyne Siilaanyo oo magacaabay Komishanka Tacliinta Sare

Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa, (SlPost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay magacaabay Guddida Tacliinta sare ee dalka.

Madaxweyne Siilaanyo

Sidaasna waxa lagu sheegay war-Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada, waxa uu qoraalku u dhignaa sidan: “Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne ku Magacaabay Guddiga Tacliinta Sare ee JSL (Higher Education Commission) oo baahi weyn loo qabay. Gudiddan oo aan hore u jirin, Madaxweynuhu waxa uu digreetadiisa ku yidhi:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Markuu Arkay: Qoraalka Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee MOE&HE/01/176-217/11 kuna taariikhaysan 21/07/2011,Markuu Ka Baaraandegey: Xeer Hoosaadka Guddida Tacliinta Sare ee JSL,

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Tacliinta Sare (Higher Education) u leedahaya dhismaha Qaranka, Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta Xubnaha Guddida Tacliinta Sare ee JSL, Wuxuu go’aansaday:

In uu magacaabao Guddiga Tacliinta Sare ee JSL (Higher Education Commission), Guddigaas oo ka kooban 11 xubnood oo ah Guddiga Guud (The Commission) iyo 4 xubnood oo ah Maamulka Fulinta (Executive Secretariat), waana sidan hoos ku xusan:

A. Guddiga Guud (The Commission):

1. Zamzam Cabdi Aden Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada (Chairperson)

2. Saleebaan Axmed Guleed Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud (Vice Chairperson)

3. Siciid Axmed Xasan Gudoomiyaha Jaamacadda Golis

4. Cabdiraxmaan Jaamac Ducaale Gudoomiyaha Jaamacadda Burco

5. Edna Aden Ismaaciil Gudoomiyaha Jaamacadda Edna Hospital

6. Xasan Cabdi Madar Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JSL

7. Jaamac Axmed Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda

8. Khadar Axmed Diriye Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee W/ Waxbarashada

9. Cabdirashiid Axmed Guleed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka

10. Sucaad Ibraahim Cabdi

11. Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

B. Guddiga Guud (Executive Secretariat):

1. Xuseen Xaaji Xasan Guleed Chairman

2. Maxamed Xaashi Dhamac Vice Chairman

3. Aden Xaaji Baxnaan

4. Siciid M. Daahir

Guddigu waxay xilkooda u gudan doonaan si waafaqsan Shuruucda Dalka iyo Xeer-hoosaadka halka ku lifaaqan.”