Madaxweyne Siilaanyo Oo Madaxtooyada Kula Shiray Salaadiinta, Wasiirada Beeshiisa Iyo Saddex Siyaasi Oo Miisaan Leh Oo Aan Shirka Ka Qayb-gelin

(SL.Post) Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa habeen hore kulan shir ah madaxtooyada kula yeeshay salaadiinta iyo wasiirada beeshiisa

Kulanka oo aanay wax war ahi ka soo bixin, balse laga soo dhex tuuray sawiro dhawr ah oo aan weliba madaxtooyada ka soo bixin ee dad shacab ahi baraha bulshadu ku xidhiidho soo geliyeen, ayaa noqday mid ay bulshadu su’aalo iska weydiisay.

Waxaana Soo baxay oo baraha bulshadu ku xidhiidho lagu baahiyay warar sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo beeshiisa kala hadlayay arrimo siyaasadeed oo khuseeya mustaqbalka xisbiga KULMIYE ee uu aasaasay, iyadoo ay maalmahan soo baxayeen warar sheegaya inuu guddoomiyenimada xisbiga doonayo in lagu wareejiyo siyaasi ka soo jeeda beeshan.

Laakiin waxaan shirkaas ka dhex muuqan oo aan ka qayb gelin qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan uguna miisaanka culus beesha madaxweynaha oo  ay ka mid yihiin guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, guddoomiye-xigeenka xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Gaafaadhi. Lamana oga sababta aanay siyaasiyiintani kulankaas uga qayb gelin.

Afhayeenka madaxtooyada oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino kulankan ayaanay noo suurtogelin, ka dib markii uu ka jawaabi waayay telefoonkiisa gacanta oo aanu kala xidhiidhnay.

Kulanka waxa ka qayb galay salaadiinta, boqorada iyo qaar ka mid ah cuqaasha beesha Madaxweyne Siilaanyo, waxaana weheliyay saddex wasiir oo iyaguna ka soo jeeda beesha madaxweynaha oo kala ah wasiirada madaxtooyada, hawlaha guud, wasiirul dawlayaal,  dib u dejinta iyo shakhsiyaad kale oo iyaguna beeshaas ka tirsan.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa noqonaya madaxweynihii u horeeyay ee beeshiisa shir gaar ah kula gala xarunta madaxtooyada, waana talaabo ugub ah oo aan lagu arki jirin madaxweynayaashii hore ee Marxuum Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin, waana sababta ay ilaa shalay markii sawiradan la baahiyay bulshadu su’aalaha iskaga weydiinaysay sababta uu madaxweynuhu shirkan u qabtay, maadaama oo uu madaxweyne u yahay umadda Somaliland oo dhan.

 

Somalilandpost.net