Madaxweyne Siilaanyo Oo La Sheegay Inuu Qaadacay Soo Jeedin Loola Tagay Oo Ah In Golaha Guurtidu U Sameeyo Muddo Kordhin Labaad

Hargeysa  (SL.Post) Iyadoo muddooyinkan dambe ay isa soo tarayeen wararka sheegaya suurtogalnimada in muddo kordhin labaad loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Saylici, ayaa warar soo baxayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne Siilaanyo ganafka ku dhuftay soo jeedin muddo kordhineed oo loola tagay.

 

 

Siilaanyo

 

 

Warar uu Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay   helay ayaa sheegaya in odayaal kala duwan oo saamayn ku leh talada madaxtooyadu ay Madaxweyne Siilaanyo ula tageen soo jeedin ah in loo sameeyo muddo kordhin, iyagoo sheegay inay dhinacooda hayaan qodobada ay u cuskanayaan muddo kordhintaas.

 

 

Hase yeeshe sida uu warku sheegay Madaxweyne Silaanyo ayaa ku gacan saydhay soo jeedinta ay shakhsiyaadkaasi ula tageen, waxaanu u sheegay inaanu diyaar u ahayn in mar kale loo sameeyo muddo kordhin, isagoo xusay inuu diyaar u yahay in doorashada madaxtooyada la qabto wakhtiga loogu tallo galay, balse xiisadda saami qaybsiga darteed dib loo dhigo doorashada golaha wakiilada.

 

 

Warku wuxuu sheegay in dhinacyadii madaxweynaha ula tagay soo jeedintani ay madaxweyne Siilaanyo kaga ambo-baxeen go’aanka uu u dhiibay oo uu u cuskaday dhawr qodob oo muhiim ah.

 

 

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhawr goor si cad u balan qaaday inuu doorashada wakhtigeeda ku qaban doono, gaar ahaan doorashadii ku beegnayd 2015, balse taas ayaana dhicin, waxaana bedelkeed dhacday in golaha guurtidu muddo kordhin u sameeyeen.

 

 

Laakiin wixii ka dambeeyay muddo kordhintaas saddex munaasibadaas ayaa khudbad uu akhriyay wuxuu Madaxweyne Siilaanyo ku balan qaaday inaanay muddo kordhin labaad iman doonin.

 

 

Muddo kordhintaas hore ee loo sameeyay Madaxweyne Siilaanyo, waxa dalka ka soo gaadhay dakharo siyaasadeed oo isugu jira gudaha iyo dibadda, waxaana la ogyahay in dhaawacyadaas ay ka mid yihiin xafiisyo ay leeyihiin hay’ado caalami ah oo dimuqraadiyadda Somaliland taageera oo dalka iskaga guuray.

 

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa