Madaxweynaha oo la kulmay Xubno ka mid ah Jaaliyaddii ka midho-dhalisay Go’aankii Golaha deegaanka Sheffield ku Aqoonsaday Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Siiaanyo, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Muwaadiniin Reer Somaliland oo dedaal ka geystay go’aankii ay Golaha Deegaanka magaalada Sheffield ku aqoonsadeen Somaliland kulan ay bishii hore ku yeesheen xaruntooda magaaladaas.

IMG_0010Kulankan oo ay madaxweynaha shahaado sharaf ku gudoonsiyeen Muwaadiniintaasi ayaa waxa ku wehelinaayey  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibeda, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland.

Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Xubno ka mida jaaliyadda, ayaa warbaahinta u faahfaahiyey waxyaabihii ay kaga wada-hadleen kulankaas.

DHEGAYSO