Madaxweyne Siilaanyo oo Kormeerro Kedis ah shalay ku maray Madaarka Diyaaradaha iyo Jidadka Xaafadaha Caasimadda (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta duhurkii kormeer kedis ah ku maray Garoonka Diyaaradaha ee Egal international Airport ee magaalada Hargeisa oo hawshii dib-u-dhiska ahayd ee lagu waday gebo-gabo ku dhowdahay, dhowaanna la furi doono.
Kormeerka madaxweynaha oo ahaa mid kedis ah, isla markaana  saxaafaduna aanay ogayn,  waxa uu madaxweynuhu ku soo kormeeray dhamaan qaybaha kala duwan ee Madaarka, waxaanu markii dambe madaxweynuhu soo maray waddooyinka iyo xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargeisa, isaga oo u kuur gelaya baahiyaha iyo horumarka ka socda caasimadda, taas oo qayb ka ahayd kormeerrda kedis ah ee inta badan bulshadu ay  madaxweynaha ku bogaadiso inuu yahay madaxweynihii u horreeyey ee caasimadda ku mara kormeerro kala duwn xilliyada habeenkii iyo maalintii, iyada oo aanay la socon ciidamo ilaalo ah.

Madaxweynaha waxa kormeerkan ku wehelinaayey Marwada koowaad ee Dalka Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde, Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan iyo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

20130805_13525320130805_135547