Madaxweyne Siilaanyo oo Ka Hadlay Abaaraha Dalka Aafeeyay iyo Diiwaangalintii oo Uu Sheegay Inuu Hakiyay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shacbiga u jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa, taas oo uu kusoo beegay, kagana hadlay Abaarta ba’an ee reebtay riiqda badan iyo Arrimaha la xidhiidha doorashooyinka horaanta 2017.

Madaxweynuhu wuxu hadalkiisan ku sheegay inuu go’aamiyey in muddo bil ah diiwaangelinta codbixiyeyaasha la hakiyo oo ah bisha (April, 2016), isagoo golaha wakiiladana u gudbiyey soo jeedin ah in wax ka bedel lagu sameeyo qodobka 7aad farqadiisa 2aad ee xeerka diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyey gudiga heer qaran ee gurmadka abaaraha, kuna si feeyey inay dedaaleen, inkasta oo xaalada abaartu ay culus tahay, kana sii darayso marba marka ka danbaysa, waxa kale oo uu hambalyeeyey guddida doorashooyinka qaran iyo shaqooyinka ay ilaa hadda ka soo qabteen gobolada ay doorashadu hore uga qabsoontay, sidoo kalena waxa uu hambalyeeyey ciidamada qalabka sida ee ka hawlgelaya diiwaagelinta codbixiyeyaasha, iyo dadweynaha iyaguna u diyaarka ah inay isdiwaangeliyaan.

Waxa kale oo uu u mahadnaqay dalalka midawga yurub doorka lama ilaawaanka ah ee ay ka qaateen taabogelinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha, isagoo ka codsaday inay sii wadaan taladooda iyo taageeradooda saaxiibtinimo.

Madaxweynuhu waxa uu hadalkiisa ku cadeeyey inay cadaatay markii uu dhegaystay talooyinkii masuuliyiinta iyo waxgaradka dalka, lana tashaday asxaabta qaranka ee golayaasha iyo hogaanka labada gole qaran inaan laysku wadi Karin diwaangelinta codbixiyeyaasha gobolada hadhay ee la hakiyo muddo bil ah.

Madaxweynuhu waxa uu ku celceliyey siday uga go’an tahay inay doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto. Af-hayeenka Madaxtooyada JSL, Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax) oo arrintaa ka war bixinaaya ayaa sheegay in hadalka madaxweynuhu u dhignaa sidan:-

Hargyesa(Slpost)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilanayo ayaa ka haday dib udhigida diiwaangalinta iyo in haatan loo baahan yahay in la samatobixiyo dadka abaaruhu ay halakeeyeen, waxaanu diray baaq dheer oo ku saabsan abaaraha iyo sidii laysaga taageeri lahaa, waxaanu qoraalkaas oo dhamays tirnaa u dhignaa sidan.

 “Markii aan Xog-ogaal u noqday in xaaladda ba’an ee  abaaraha dalka ku habsaday ay ka sii darayaan marba marka ka sii dambaysa, isla markaana ay duruuftu gaadhay heer ay bilaabantay in ay darxumo iyo diif u dhintaan duur-joogtii, duunyadii la dhaqanayey iyo dadkii noolaa, intuba.

Markii Aan Tixgeliyey Dareenkii Hal-doorka Bulshada Somaliland ee tibaaxayey in aanay habboonayn in la sii wado Diiwaangelinta Codbixiyayaasha marxaladdan abaaruhu sii xumaadeen.

Markii Aan Qiimeeyey Nuxurkii ka soo baxay kulankii talo-wadaaga ahaa ee aan ugu yeedhay Madaxda Xisbiyada Qaranka iyo Shir-guddoonka labada Gole.

Markii Aan Dhegeystey Taladii ay ii soo jeediyeen aqlabiyaddii Madaxda Xisbiyada Qaranka iyo Shir-guddoonka labada aqal ee farta ku fiiqaysay inay lagama-maarmaan tahay in la hakiyo muddo bil ah Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee Gobolka Maroodi-jeex, si loo xoojiyo gurmadka abaaraha.

Markii Aan Arkay Xilka iyo mas’uuliyadda gaarka ah ee hogaamiye ahaan iiga saaran aafadan ummadda ku habsatay, in loo baahan-yahay, si looga samato bixiyo in cududda, cuudka iyo caqliga qaranka lagu jeediyo gurmadka abaaraha.

Markii Aan Isku-qanciyey in hakinta gaaban ee abaaraha dartood lagu sameynayo Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha aanay dib u dhigis ku samaynayn xilligii doorashada, iyada oo ay iga go’an tahay in aan dalkan ka qabto doorasho xor iyo xalaal ah xilligii loo qoondeeyey 27-ka bisha March, 2017-ka.

Markii Aan Garwaaqsaday in ay tahay waajib marxaladdan ay qaranka soo foodsaaraysay masiibada adag in loo gacan baxo gurmadka iyo kaalmada loo geysanayo dadka abaaruhu aafeeyeen, isla markaana ay adag tahay xilligan in la isku wado hirgelinta labadan mashruuc ee waaweyn ( Laabi Labo U La’ ).

Markii Aan Yaqiinsaday in Diiwaangelinta Codbixiyayaasha hakadkan yar ee ku imanaya aan looga cabsi qabin in uu ku keeno fashil, maadaama lagu guulaystay ka midho-dhalinta mashruucan, gobollada dalkana laga hirgeliyey intii badnayd, khibrad iyo aqoon dheeraad ahna haatan la korodhsaday.

Waxaan Go’aamiyey:

In la hakiyo muddo kooban oo bil ah Diiwaangelinta Codbixiyayaasha (Bisha April 2016).

In Dhammaan Shacbi iyo Dawladba loo galo gurmad qaran deegaannada ay abaaruhu aafeeyeen, maskaxda, muruqa iyo maalkeena koobanna meel loo wada jeediyo marxaladdan.

Si aynu uga samato-baxno masiibada abaarta, Allaheena weynina inoo gargaaro, waxa inala gudboon ummad ahaan in aynu isu-naxariisanno, iskaalmayno, iscafino, isu-calool-samaano, maskaxdeena, muruqeena iyo maalkeena midayno, Allaheen u noqono, isla markaana kaalmaysanno salaadda, soonka iyo baryada Eebe, maadaama gargaarkiisa iyo gacantiisa oo keliya aynu ku baahi beeli karno.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Aniga oo fursadan ka faa’iidaysanaya waxaan jecelahay in aan halkan uga mahadceliyo Guddidii Qaran ee aan u xilsaaray gurmadka abaaraha, kuwaas oo si xil-kasnimo leh ugu hawlan kaalmada loo fidinayo dadka tabaalaysan.

Sidoo kale, waxaan u mahadnaqayaa ganacsatada, ururrada wadaniga ah, hay’adaha samafalka caalamiga ah iyo dhammaan muwaadiniinta sida hagar la’aanta ah uga qayb-qaatay qaadhaan uruurinta loo sameeyey abaaraha.

Waxaan dhammaantood bulshada kala duduwan leeyahay “Ilaahay samafalkiina ha idiinku biiriyo miisaanka xasanaadka”.

Mar labaad, waxaan ugu baaqayaa Shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland  in ay si isku-tashi iyo naf-hurisnimo leh uga qayb-qaataan kaalmada iyo gurmadka loo geysanayo walaalahooda abaaruhu waxyeeleeyeen.

Waxaan leeyahay dadkayga “Marka aynu isu naxariisanno, ayuu Ilaaheen inoo naxariisanayaa”. Nabigeenii Suubanaa, Nabad iyo Naxariis Eebe Korkiisa Ha Ahaatee, waxa uu yidhi:

“Kuwa Naxariista, Waxa u Naxariista, Allaha Naxariista Badan”

Sidaas darteed, waxaan ku guubaabinayaa dadweynaha gudo iyo dibed, qurba-joog iyo qolqol-joog, intuba, in aan loo kala hadhin gurmadka abaaraha baahsan.

Waxaan idin leeyahay dadkaygiiyow, waxaynu nahay hal dal, hal dad iyo hal dareen.

Si loo suurtagaliyo doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta xilligii loogu talo-galay, isla markaana loo helo wakhti fiican oo ku filan in Guddida Doorashooyinka Qaranku hawlaha ku dhammaystiraan qabyada noqon kara, waxaan u gudbiyey Golaha Wakiillada soo-jeedin in wax-ka-beddel lagu sameeyo Qodobka 7aad, Faqraddiisa 2aad oo u dhigan sidan “Komishankuna waxa xil ka saaran yahay kaydinta, xafidaada iyo soo saaridda liiska kama dambeysta ah ee Diiwaangalinta Codbixiyayaasha 6 bilood ka hor maalinta doorasho kasta”.

iyo Qodobka 26aad, Faqraddiisa 2aad oo u dhigan “Liiska diiwaanka codbixiyaha waxa soo saaraya Komishanka Doorashooyinka Qaranka Lix bilood (6) ka hor xilliga doorshada” ee Xeerka Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee Xeer Lr. 37/2007 ee dib loo habeeyey 2014-kii.

Nuxurka wax-ka-beddelka cusubi wuxuu noqonayaa in qodobbadan oo dhigaya in Lix (6) bilood ka hor lagu dhameeyo diiwaangalinta, laguna soo saaro Liiska Cod-bixiyaasha, lagu beddelo Lix (6) bilood gudohood in lagu dhamays tiro, laguna soo saaro Liiska Cod-bixiyayaasha.

Tani waxay markhaati ma doon u tahay in aan ka soo horjeedo sabab kasta oo keeni karta dib u dhac ku yimaada doorashooyinka muddaysan.

Cidda tuhunsan inaan tab iyo xeelad ka dayayo, towsta iyo tabaalaha qaylo-dhaanta abaaraha, waxaan u cadaynayaa in aan u xusul duubanahay in doorashadu ku qabsoonto xilligeedii, waxaanan leeyahay bishu hortiina ayey iman doontaa ee yaan la idinku adimin idinkoo hadal tiro iyo tow-tow gidaarada ka shubaya.

Ma aaminsani, in magac iyo maamuus iigu kordhayo in muddo marba la ii kordhiyo.

Waxaan ahay Madaxweyne wax qabtay oo aan waji-gabax hayn.

Waxaan ahay Madaxweyne, ay dadkiisu doorteen oo daacad u ah ka shaqaynta danahooda guud.

Waxaan ahay siyaasi afartan sanno in ka badan ummaddiisa u soo adeegayey utun la’aan. Sidaa darteed, haddii uu Kursi jacayl i hayo ama aan doonayo inaan halkan iska sii fadhiyo miciin kama dhigteen marba muddo kordhin ee murashax baan noqon lahaa oo waan tartami lahaa.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxa sharaf ii ah in aan halkan hambalyo iyo bogaadin balaadhan uga jeediyo Guddida Doorashooyinka Qaranka isku-duubnidii, dulqaadkii iyo dedaalkii ay muujiyeen muddadii hawlgalka diiwaangelintu socotay.

Sidoo kale, waxa mudan in aan ammaan u jeediyo mas’uuliyiintii ama madaxdii gobollada diiwaangelintu ka hirgashay iyo ciidammada amaanka Jamhuuriyadda Somaliland oo si geesinimo leh ku garab galay Guddida Doorashooyinka Qaranka gudashada xilkan.

Dhinaca kale, anigoo ku hadlaya magacayga, ka Xukuumadda iyo ka Shacbiga Somaliland, waxaan uga mahadcelinayaa Dalalka Midowga Yurub doorkii lama ilaawaanka ahaa ee ay ka qaateen taabagelinta Diiwaangelinta Codbixiyayaasha.

Waxaan ka codsanayaa inay halkaa ka sii wadaan taladooda iyo taageeradooda saaxiibtinimo.

Ugu dambayn, waxaan Bulshada Caalamka iyo dhammaan Hay’addaha Samafalka Caalamiga ah ugu baaqayaa inay kaalmo iyo gurmad bini’aadannimo la soo gaadhaan dadka ku tabaalaysan deegaanada ay abaaruhu aafeeyeen. Dadkaas oo tiradoodu ku dhaw dahay Laba Boqol oo Kun oo Qoys.

Ilaahay tubta toosan ha inagu hanuuniyo

Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu abaarta inaga jebiyo

Cirkana madar khayr qaba inaga siiyo

Suq yaa Rabi

Wa Billaahi Towfiiq…