Madaxweyne Siilaanyo oo Guddi u magacaabay Qaban-qaabada Aaska Marxuum Eng Yuusuf Warsame Siciid

Marxuum Eng Yuusuf Warsame Siciid

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Maayarkii Caasimada Hargeysa Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo ku geeriyooday Cusbitaal ku yaal Imaaraadka Carabta Saaka Subaximadii hore.
Waxa sidaasi lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka madaxtooyadda Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul, waxa kale oo war-saxaafadeedkaasi Madaxweynuhu ku magacaabay Gudida qaban qaabada aas qaran oo loo samaynayo Maayarkii Geeriyooday ee caasimada Hargeysa.

Marxuum Eng Yuusuf Warsame Siciid
Marxuum Eng Yuusuf Warsame Siciid

Waxaanu dhambaalkaasi tacsida ahi u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Degaanka Hargeysa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Maayarkii Caasimada Hargeysa MARXUUM, ENG. YUUSUF WARSAME SICIID oo ku geeriyooday Cusbitaal ku yaal Imaaraadka Carabta Saaka Subaximadii hore 07/04/2013.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku tilmaamay muwaadin jecel dalkiisa iyo horumarka ummaddiisa, mudo dheerna u soo shaqaynaayey sidii uu ugu tari lahaa dadkiisa iyo dalkiisaba.

ALLE ha u naxariistee Doorashadii Golaha deegaanka ka dib waxaa loo doortay Maayarka Caasimada Hargeysa si uu aqoontiisa iyo kartidiisa ugu horumariyo caasimada Hargeysa, inkastoo intii loo doortay Maayarka Caasimada ka dib uu la soo dersay Xanuunkan uu haatan u geeriyooday Marxuumku.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumkaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii Golihii Degaanka Hargeysa ee uu maayarka u ahaa, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Sumadeedu tahay JSL/M/MG/083-1696/042013 ku magacaabay Gudi qaban-qaabo oo u xilsaaran Aaska Marxuumkaasi, Gudidaas oo ka kooban 15 Xubnood waxa Gudoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur).

Magacaabida Madaxweynaha:-

  1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Guddoomiye)
  2. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
  3. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda
  4. Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska.
  5. Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysigga iyo Khayraadka Badda
  6. Wasiir Ku-xigeenka Wasaarrada Warfaafinta, Dh. Iyo Wacyigelinta
  7. Taliyaha Ciidanka Booliiska
  8. Maayar Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa Hargeysa
  9. Xoghayaha D/Hoose ee Caasimadda Hargeysa
  10. Guddoomiyaha Xafiiska Xildhiidhka Golayaasha ee Madaxtooyadda
  11. Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe
  12. Xildhibaan Maxamuud Axmed Oobsiiye
  13. Mudane, Maxamed Baarjeex
  14. Mudane, Cali Cumar Xasan Guuleed
  15. Marwo Aamina Yuusuf Aar

Ujeedo: Magacaabid Guddida Aaska Marxuun Yuusuf Warsame Siciid

Mudanayaal iyo Marwooyin,Sida aad ka warhaysaan, waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Maayarkii Caasimadda Hargeysa Marxuun Yuusuf Warsame Siciid. Sidaas darteed, Mudanayaal, waxa aan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda Aaska Marxuun Yuusuf Warsame Siciid. Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuunka.”