Madaxweyne Siilaanyo Oo Boo Xerada Tababarka Cabdilaahi Askar Oo Cutubyo Ciidanka ah tabobar loogu soo xidhay

????????????????????????????????????

Hargeysa(SLpost)-Ka qaybgalka Madaxweynaha ee Xidhitaanka Dugsigan oo ah Koorsadii saddexaad ee si xidhiidha uga soo baxda dugsigan Cabdilahi Askar Madaxweynuhuna uu nasiib u yeeshay Aas-aaska Dugsigan, dhagax-dhigiisa, Furitaankiisa iyo weliba xidhitaanka saddexdaa Koorso ee kala danbeeyey inuu goob-joog u ahaado,Maanta oo ay horumar balaadhan ku talaabsadeen ciidamada kaa duwan ee Qaranku ay dhiirigelin u tahay madaxweynaha iyo Ciidamadaba.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????xweyne siilaanyo oo

Markii uu madaxweynuhu gaadhay Xerada Ciidamada ee Dererweyne waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka, ka dibna waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray Taangi biyood oo qaadi doona 150 Foosto, ka dibna waxa uu madaxweynuhu kormeer ku tegay Ceelasha biyaha looga soo qaado Dugsiga Layliska saraakiisha Cabdilaahi Askar ee Degmada Dererweyne.

Waxaana Madaxweynaha halkaasi warbiximo kala duwan ka siiyey Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeyo Gaas Ismaaciil Shaqale, isaga oo taliyuhu sheegay in ay qodeen saddex ceel oo hoosta isaga daloola biyahana geeya mastaafo dhan hal kiilomitir iyo badh (1KM1/2) iyagoo isticmaalaya Tamarta Cadeeda.

Ka dibna waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray, Mashaariic kala Duwan oo ay ka mid ahaayeen Dugsiga kulliyada saraakiil ku xigeenada, oo loogu magac daray Mujaahid Maxamed Xaaji Muuse (Harag-waafi) oo ahaa mujaahid ku suntan taariikhda halgamayaashii naftooda u huray qarankani inuu cagihiisa ku istaago.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu soo kormeeray Guryaha hurdada, Cuntada, xafiisyada iyo Qaybo kale oo loo dhisay dhamaan saraakiil ku xigeenada dugsiga

iyo macalimiintooda. Waxaanu madaxweynuhu isla joobtaasi xadhiga kaga jaray Qasabadaha biyaha qaybiya oo looga talaalay Guryahaasi kaydka Biyaha Ciidamada.

Ka dibna waxa uu madaxweynuhu soo gaadhay xaruntii lagu qabtay xaflada xidhitaanka Dugsiga Layliska Saraakiisha, waxaana halkaasi madaxweynaha ku soo dhaweeyey Taliyaha Dugsiga Layliska Saraakiisha ee Cabdilaahi Askar, Gashaanle Sare Maxamed Cabdi Cali Shiine waxaanu yidhi Madaxweyne waan kaaga mahadnaqaynaa inaad maanat noo soo xidho Kulliyadii 3aad ee Cabdilaahi Askar ka baxda sanadkan kana qalinjebisa.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeyo Gaas Ismaaciil Shaqale, iyo wasiirka Gashaandhiga Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami oo dhamaantood madaxweynaha uga mahadnaqay dedaalka uu mar walba la barbar jooga ciidamada kala duwan ee qaranka, iyagoo iska daba maray in horumar balaadhan ciidanku ku talaabsaday intii uu madaxweynuhu xukunka hayey.

Ugu danbayna waxa halkaa ka hadlay Madaxweynaha Qaranka Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay hadaladiisi ka mid ahaayeen “Ducoqabayaal Farxad bay ii tahay in aan idin kala soo qaybgalo munaasibadan qalinjebinta layliska saraakiisha, waxaanan idin ku hambalyenayaa waxbarashada aad dhamaysateen maanta. Mar labaad hambalyo ayaan idin leeyahay waxqabadka kale ee ay ka mid yihiin Dugsiga Cusub ee Saraakiil xigeenada loo dhisay.

Waxaan idin leeyahay Hambalyo qaranka sida aad ugu adeegtaan, dedaalkana halkaa ka sii wada aniguna waxan idin la barbar taagnahay taageero buuxda.

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin gudoonsiiyey Tobankii Sarkaal ee ugu sareeyey saraakiishii dugsigaas ka soo baxay maanta kuwaas oo isugu jiray Xidigle ilaa dhamme.