Madaxweyne Siilaanyo oo Gaadhay Dadka Abaarhu Ay Saameeyeen Ee Gobalada Galbeedka Dalka

Hargeysa(Slpost)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa tagay deegaanda abaaruhu ay asiibeen ee galbeedka dalka, waxaanu tagay magaalada Qolujeed oo ay dagan yihiin dad badan oo ka soo barakacay abaaraha.

Waxa wararku ay sheegayaan in dadka asbaarhu ay barakiciyeen uu waftiga madaxweynuu u qaybiyay cuntooyin bisil iyo biyo, sida oo kale gargaaro kale oo raashin ku jiro ayaa la gaadhsiin doonaa dadkaas abaahu ay saameeyeen.