Madaxweyne Siilaanyo Oo Casho Sharaf Ku Maamuusay Waftigii Ka Socday Carabta iyo Ingiriiska

Hargeysa(SLpost)-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa casho sharaf u sameeyay fiidkii xalay waftigii reer Ingiriis, ee ay hogaaminaysay Miss.Diane Abbott oo ka tirsan baarlamanka dalka Ingiriiska, kana mid ahaayeen ururada samo-falka ee islaamiga, ka dib markii ay ka soo laabteen qiimaynta xaalada abaarta ee dhinac galbeed ee dalka.

DSC_0097

DSC_0031
Madaxwaynaha oo ay fadhigan ku wahelinayeen wasiirada Arrimaha Dibada, Madaxtooyada, Ganacsiga, Warfaafinta, iyo Maaliyada, marwada Madaxwaynaha, xubno ka tirsan guddida abaaraha iyo masuuliyiin ka tirsan wasaarada madaxtooyada, iyadoo dhinaca reer Ingiriisna ay xildhibaanada weheliyeen xubno tiro badan oo ay ka mid yihiin Dr.Hani Bana.

Madaxwaynaha oo hadalka furay ayaa ereyo kooban oo soo dhawayn ah halkaa ka jeediyay, waxaana uu yidhi “waxaa farxad wayn ii ah in aan idinku soo dhaweeyo Somaliland, iyadoo labadeena dal ay ka dhaxayso cilaaqaad soo jireen ah, ku soo dhawaada dalka, waxanan rajaynayaa in aad wax nagal qaban doontaan dhibaatooyinka nala soo darsay ee ay ugu horayso abaartu ” ayuu ku soo koobay madaxwaynuhu.

Waxa isna halkaa hadal furitaana ka jeediyay wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, waxanu ka hadlay abaarta soo noqnoqonaysa ee dalka ka jirta iyo dhibaatada biyaha ee umadda soo food saartay, wasiirka waxa uu yidhi “waxaanu u baahanahay caawimo, taasoo ah mid wakhtiga dheer wax ka tarta dhibaatada dhinaca cuntada ka haysata bulshada. Waxaanan u baahanahay dib u xoolayn dadkayaga ah iyo in nalaga caawiyo sidaanu biyahayaga u kaydsan lahayn, una joojin lahayn biyahayaga durduraya ee galaya badda, biyaha dhulka hoostiisa ku jirtana loo soo saari lahaa .”ayaa ka mid ahaa hadalkii wasiirka.

Waxaa hadalkii la wareegtay xildhibaan Miss.Diane Abbott oo sheegtay inaanay ahayn markii u danbaysay ee ay dalka booqasho ku timaado, waxanay raacisay sidii maalintii kowaad ee ay booqashada ku timid dalka, ammaan ay u jeedisay dawlada iyo dadka Somaliland, waxana hadaladeedii ka mid ahaa “waxaan hore dalka u imid 2010, somaliland qalbigayga qaali ayay ku tahay,waxaanan ka soo baxay dhinaca bariga London oo ay Somalilanders badani ka mid ahaayeen dadkii ii doortay baarlamaanka.”Waxanay intaa ku dartay oo ay tidhi “Somaliland waa dal qani ah, waxad leedihiin ummad sidaan dibadaha ku arkay bulsho firfircoon oo shaqaysata oo ku nool dacalada dunida kuwaas oo dalkoodana wax ku soo tara,waxa badana ka qaban kara sidii u u horumari lahaa cagihiisana uu iskugu taagi lahaa dalkiina .”

Ugu danbayntii iyadoo ka hadlaysa waxay ka qaban doonto abaarta waxay tidhi, “inaan baarlamanka Ingiriiska cod dheer ugu sheego siday dhab ahaan waxa uga qaban lahaayeen abaarta dalkan ka jirta wakhti xaadirkan, waxna ka tari lahaayeen abaarta soo noqnoqata ee dalka dhacda”.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Dr.Hani Bana oo ahaa gudoomiyaha ururada samo-falka islaamiga, waxanu fadhiga ku salaamay salaanta islaamka iyo salliga Nabiga (SCW), waxaana uu intaas raaciyay intuu dhinaca madaxwaynaha u jeestay “mudane Madaxwayne, Somaliland waxay tusaale wanaagsan u tahay Gobolkan ay ku taallo. Waan aragnay in ay dhibaato wayni gaadhay dalkiina oo abaartu keentay oo dhinacyadii dhaqaalihiinu ku tiirsanaa xoolo iyo beeraha ahaa ay naafoobeen, waxanu ku dadaali doonaa inaanu gaadhsiino ururada Samo-falka iyo dawlada Ingiriiiskaba, sida ay sheegtay Miss.Diane Abbott, dalkii aanu ka nimid ee Ingiriiska si ay u suurto gasho in wax la idinka taro cimilada isbadalshay ee abaaraha iyo daadadka keentay, lana qodo ceelal iyo balliyo waawayn, anigoo ku talinaya inaad kaashataan qurbo joogiina hawl karka ah ee dibadaha ku nool”.

Cashada ka dib waxaa hadalo sagootis iyo mahadnaq ka jeediyay fadhiga, dhinaca xukumadana u hadlay wasiirka arrimaha dibada iyo Miss.Diane Abbott iyo Dr.Hani Bana, isagoo madaxwaynuhuna hogaamiyayaashi iyo haweenkii ka mid ahaa waftiga gudoonsiiyay hadyado hiddaha iyo dhaqanka ah iyo astaamaha qaranka ah.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.