Madaxweyne Siilaanyo oo Caawa Shacabka Reer Hargeysa Suuqa kula Casheeyey iyo goobo uu booqasho ku tagay

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa isagoo aan wax ilaalo ahi wehelin booqasho ku tagay Huteelka Summer-time ee caasimadda Hargeysa, halkaasi oo dadweynihii ku cawaynayay ay si weyn ugu soo dhaweeyeen.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inay la socotay marwada koowaad Marwo Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde (Aamina Waris) iyo caruurr uu awoow u yahay.

siilaanyoWarku intaas ku daray in madaxweynuhu uu ka casheeyay oo uu muddo fadhiyay huteelkaasi, iyadoo dadkii halkaasi kula kulmayna ay si niyadsami ah ugu soo dhaweeyeen kuna bogaadiyeen in madaxweyne Axmed Siilaanyo uu madaxdii kale ee qaranka dheeraaday inuu habeenkii lagu arko goobaha bulshadu iskugu timaado, si uu uga war helo xaaladda dadka iyo mustawaha nabad-gelyo ee dalku gaadh siisan yahay.

Sidoo kale waxa la sheegay in madaxweynaha Somaliland uu markii uu ka baxay Huteelkaasi uu booqday garoon kubbadeed oo habeen iyo maalin dhalinyaradu ku ciyaarto oo doog lagu beeray oo uu leeyahay Xasan Waraabe Cadde oo ka mid ah qurbojoogga Somaliland, halkaas uu kula kulmay dhalinyaro ku dheelaysa Kubadda Cagta.

Madaxweynaha, ayaa markii uu Garoonka ka soo laabtay dib ugu Noqday Xarunta Madaxtooyada.

Maaha markii ugu horreysay ee Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sidan oo kale Suuqyada Caasimadda iyo goobaha Bulshadu ku kulmaan xilli habeen ah loogu arko isagoo booqanaya, hase-yeeshee marar kala duwan oo hore ayuu wakhti habeennimo ah sidan oo kale booqasho aan cidi sii ogeyn, ciidammo hubaysanina ku wehelin ugu maray goobo kala duwan oo Suuqyada Caasimadda ah oo ay dadku ku dhex-arkeen isagoo dhex mushaaxaya goobo Huteellada laga cunteeyo ah iyo Meheradaha Suuqyada ee laga tukaamaysto sida Super Market-yada iyo kuwa la midka ah.

SOMALILANDPOST.NET