Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse Biixi oo Tacsi u diray Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa tacsi u diray Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax iyo Xaaskiisa Jamiila Cige Axmed, iyaga oo ka tacsiyadeeyey geerida ku timi Alle u naxariistee Marxuum Cige Axmed Cabdi oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Muuse-Iyo-SiilaanyoDhambaal tacsi ah oo madaxweynaha Somaliland u diray Madaxweyne ku-xigeenkii hore iyo Ooridiisa, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan aw Cali Faarax iyo Ooridiisa Marwo Jamiila Cige Axmed, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid, Marxuum Cige Axmed Cabdi oo maanta 01/03/2015 ku geeriyooday Hargeysa laguna aasi doono berri 02/03/2015 Boorama.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaga oo metelaya hoggaanka, masuuliyiinta iyo taageerayaasha Xisbiga, waxa uu tacsi u diray Qoyska Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax iyo Ehelkii, qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Cige Axmed Cabdi.

Dhambaalka tacsida ah ee Guddoomiye Muuse BIixi Cabdi, ayaa u qornaa sidan:- “Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo xilka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ka hoggaanka xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxaan tacsi u dirayaa, qoyska, ehelka iyo qaraabada, gaar ahaan Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo murrashaxa jagada madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan geerida Marxuum Cige Axmed Cabdi oo ku geeriyooday magaalada Boorama maanta (01/03/2015).

Waxaan Alle uga baryayaa inuu Marxuumka ku abaalmariyo jannadiisa Fardowza, qoyska, ehelka iyo dhammaanteena uu samir iyo iimaan innaga siiyo Aamiin…Aamiin…Aamiin.”