Madaxweyne Siilaanyo iyo Danjire Nicholas Key oo Hawada Isu-mariyey Weedho Siyaasadeed oo kala-fogaansho ka Muuqdo

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland, ayaa bayaamiyey mowqifka ay ka taagan yihiin Xafiis Siyaasadeed oo hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ku yeesho Caasimadda Hargeysa. Halka uu Madaxa UNSOM Danjire Nicholas Kay-na dhiniciisa faahfaahiyey waxa uu kala kulmay Somaliland oo uu toddobaadkii hore booqasho ku yimi.

siilaanMadaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo), ayaa shaaca ka qaaday inaanay marnaba aqbali doonin in Xafiis Siyaasadeed oo Qaramada Midoobay leedahay laga furo Somaliland. Fariin Madaxweyne Siilanyo ku baahiyey Bartiisa Twitter shalay, ayaa lagu sheegay; “Somaliland way sii wadaysaa kala shaqeynta Qaramadda Midoobay dhinacyada horumarinta. Hase ahaatee, si kasta mar-naba ma aqbali doonto Xafiis Siyaasadeed oo UNSOM leedahay in laga furo Somaliland.”

Dhinaca kale, Wakiilka Qaramadda Midoobay Nickolas Kay, ayaa tafaasiil ka bixiyey hadal uu dhawaan jeediyey oo ku saabsanaa ujeeddada socdaal uu ku yimi Caasimadda Hargeysa ee Somaliland. Mr. Kay, oo hadal u muuqday in Somaliland ku qanacday nidaamka federaalka sheegay, ayaa isagoo ka jawaabaya faahfaahin inuu ka bixiyo ujeeddada hadalkaa ku yidhi; “Hargeysa waxaan kala soo kulmay go’aan ay ku adagyihiin madax-bannaanida Somaliland iyo sidoo kale taageero ay u hayaan horumarka nidaamka xasilinta Soomaaliya.”

Hadalkan, ayaa noqonaya mid ku soo beegmaya wakhti Somaliland mar labaad caddeysay mowqifka ay ka taagan tahay furitaan Xafiis Siyaasadeed oo UNSOM ku yeelato dalka, oo beryahii u dambeeyey Warbaahinaha gudahu siyaalo kala duwan wax uga qorayeen.

SOMALILANDPOST.NET