Madaxweyne Siilaanyo Ayaa Magacaabay Gudi Abaaraha Dalka Ka Jira Ka Hawlgasha Xili Xaaladu Deegaano Badan Ku Adagtahay

Hargeysa(SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/MG/083-3825/022016 ku Magacaabay Gudi heer qaran ah oo u xilsaaran Abaaraha dalka ka jira, gudidaas oo uu Gudoomiye u noqon doona Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Xubnaha Gudida Madaxweynuhu Magacaabay.

Ku: Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland

Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)

Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

Mudane Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed

Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Marwo Samsam Cabdi Aadan

Ku: Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah

Dr. Muuse Qaasim Cumar

Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga

Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami

Ku: Xog-hayaha Golaha Wasiirrada

Mudane Sharmarke Axmed Muxumed

Ku: Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga

Muddane Maxamed Shukri Jaamac 

Ku: Mudane, Farxaan Liibaan Axmed

Ku: Mudane, Maxamed Cali Maxamed

Ku: Mudane, Cabdiraxmaan Faarax Xarbi

Ku: Mudane, Cabdi-wahaab Maax Maxamed

Ku: Mudane, Cabdiraxmaan Cali Cabdi

 Ku: Sheekh, Ciise Maxamuud Cabdillaahi

Ku: Sheekh, Cawil Faatax Shire

Ku: Sheekh, Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Sheekh Cabdi

Ku: Sheekh, Maxamed Aadan Muxumed

Ku: Sheekh, Xasan Cabdi-salaan Sheekh Cali

Ujeeddo: Magacaabid Guddi

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, waxa dalka ka jira abaaro ba’an oo waxyeelo u gaystay xoolihii, daaqii iyo dadkiiba. Sidaas darteed, waxa daruuri ah in gurmad bini’aadanimo oo degdeg ah la gaadhsiiyo Bulshada Somaliland ee ay abaaruhu sameeyeen.

Haddaba, waxaan idiin magacaabay inaad noqotaan Guddida u xilsaaran isku-dubarididda qaadhaan uruurinta dadweynaha iyo qorshaynta kaalmada la gaadhsiinayo dadkaas tabaalaysan, waxaana Guddoomiye idiin noqon doona Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan idinka rajaynayaa in aad hawshaas xil mug leh iska saari doontaan.

ALLAA MAHAD LEH

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)