Madaxweyne Obama oo Magacaabay Safiirkii u horeeyey ee Maraykanka u Qaabilsan Soomaaliya muddo rubuc Qarni ah

katherineMaraykanka oo dib u furaya Safaaraddiisa Muqdisho

Washington (SLpost)- Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, ayaa magacaabay Safiirkii u horeeyey ee dalkaasi ku yeesho Soomaaliya tan wixii ka dambeeyey Burburkii dawladdii Dhexe ee Siyaad Barre sannadkii 1991-kii.

Sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo lagu magacaabo Jen Psaki Salaasadii, madaxweyne Obama waxa uu Safiirka Soomaaliya u magacaabay inay noqoto haweenay lagu magacaabo Katherine S. Dhanani oo hore u ahayd Qunsulka Guud ee Maraykanka u fadhiya magaalada Hyderabad ee waddanka Hindiya.

“Magacaabistan oo taariikhi ahi waxay tusinaysaa xidhiidhka sii qoto-dheeraanaya ee u dhexeeya Maraykanka iyo Soomaaliya,” ayuu yidhi Afhayeenkan oo intaas ku sii daray. “Waxay magacaabistani ka tarjumaysaa horumarka dadka Soomaalida ahi ka gaadheen inay ka soo kabteen dagaaladii iyo xasilooni-darradii ay tobanaanka sanno ku soo dhex-jireen.”

KatherineAfhayeenka u hadlay wasaarada Khaarajiga Maraykanku waxa uu sheegay in dawladdiisu ka rejaynaysa madaxda iyo dadka Soomaalida inay waajahaan dhammaystirka geeddiga dimuqraadiyadda iyo nabadda oo uu sheegay ku imanayso “Si dalka Soomaaliya u noqdo waddan horumaray oo barwaaqo ah”.

“dawladda Maraykanku waxay diyaar u tahay inay Soomaliya ka caawiso jidkaas ay u marayso horumarka oo aanu saaxiibbo isku-dhow noqonno,” ayuu yidhi Afhayeenku.

Safiirka Cusub ee dawladda Maraykanku u magacowday Soomaaliya, ayaa hoggaamin doona siyaasadda Maraykanka ee gudaha dalkaas oo wakhtigan laga darawaliyo safaaradda Maraykanku ku leeyahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Annaga oo eegayna sida ay xaaladda ammaanku noogu saamaxdo, waxaanu rejaynayaa inaanu kordhinno oo kor u qaadno xidhiidhkagaya dibloomaasiyadeed ee Soomaaliya isla markaana aanu dib u furno safaaradda Maraykanka ee Muqdisho,” sidaas ayuu yidhi Sarkaalkan u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka.

Haweenayda loo magacaabay Safiirka Cusub ee Maraykanka u qaabilsanaan doona xidhiidhka dibloomasiyadeed iyo danaha Soomaaliya, ayaa hor uga soo shaqaysay isla markaana ahay Qulka Guud ee Maraykanka u fadhiya magaaalda Hydrebad ee waddanka Hindiya.

SOMALILANDPOST.NET