Madaxweyne Obama oo kulan la yeeshay Boqorka Cusub ee Sucuudiga iyo Qodobbo ay ka-wada-hadleen

Riyadh (SLpost)- Madaxweynaha Dalka Maraykanka Barack Obama, ayaa maanta gaadhay xarunta dalka Sucuudiga ee Riyadh, halkaas oo uu kulan kula qaatay Boqorka Cusub ee Sucuudiga Boqor Salman bin Cabdul-casiis oo dhawaan loo cumaaday talada Boqortooyada Sucuudiga, kaddib markii uu todobaadkii hore geeriyooday boqorkii hore Alle ha u naxariistee Boqor Cabdalla bin Cabdulcasiis.

Madaxweyne Obama oo safar dhowr maalmood qaatay ku joogay dalka Hindiya oo uu wakhtigiisa soo gaabiyey isaga oo ay u qorshaysnayd inuu dhismaha loo dal-xiis tago ee Taj Mahal ee Woqooyiga Hindiya, ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Sucuudiga, waxaana socdaalkiisa ku wehelinaya wefti wefti ka kooban 30 xubnood oo ay ku masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xoghayeyaashii hore ee Gaashana-dhigga iyo Arrimaha Dibadda James Baker iyo Condoleezza Rice.

Obama_Saudi Arabia (2)Waxa kale oo Weftiga Madaxweynaha ka mid ah Agaasimaha hay’adda Sirdoonka Maraykanka John Brennan, Guddoomiyaha guddi-hoosaadka Hubka ee Aqalka Odayaasha Maraykanak John McCain, La-taliye hore oo qaabilsan xagga Ammaanka kana tirsan Xisbiga Jamhuuriga, Brent Scowcroft.

Boqorka Cusub ee Sucuudiga Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis, ayaa khudbadii u horeysay ee jeediyey kaddib markii uu xilka la wareegay waxa uu shaaciyey inaanu ka leexan doonin siyaasaddii uu hore ugu jeexay hoggaaminta dalkaas boqorkii hore ee geeriyooday Boqor Cabdalla bin Cabdulcasiis oo siyaasad furfuran oo reer Galbeedku soo dhaweeyeen kula macaamilay dunida. Waxaana la filayaa in madaxweyne Obama iyo boqor Salmaan arrimahan ka wada-hadleen.

Obama_Saudi Arabia (1)Waddanka Sucuudiga ayaa ka mid ah dalalka ugu muhiimsan Bariga Dhexe ee ay xulufada yihiin dalka Maraykanka. Waxaanu waddanku Sucuudiga xilligan ka tirsan yahay Is-bahaysiga Maraykanku hoggaaminayo ee ka kooban reer Galbeedka iyo dalalka Carbeed ee diyaaradahoodu weerarrada xagga Cirka ah ku hayaan Deegaannada Kooxda Islaamiga ah ee ISIS ka haysato dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Haseyeeshee, waxa xidhiidhka ka dhexeeya Washington iyo Riyaadh xiisad ka dhex-abuuray siyaasadda Maraykanka ee ku wejahan dalka Suuriya iyo dibloomasiyaddiisa ku wejahan wada-xaajoodka hubka Nukliyeerka ee dalka Iran oo walaac badan ku haysa boqortooyada Sucuudiga oo loolan adagi ka dhexeeyo.

Waddanka Sucuudiga iyo intooda badan dalalka Carabta, ayaa doonaya in xukunka laga tuuro madaxweynaha dalka Suuriya. Haddana in kasta oo ay taageersan yihiin is-bahaysiga Maraykanku hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda IS, waxay rumaysan yihiin inaan laga guulaysan karin Kooxda Islaamiyiinta ah inta uu madaxweynaha Suuriya kursiga ku fadhiyo.

SOMALILANDPOST.NET