Madaxweyne Muuse Biixi oo xilalka ka qaaday Agaasimihii Baanka Dhexe, guddoomiyeyaal gobol iyo Masuuliyiin kale

Somaliland president, Muse Bihi Abdi

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilalka ka qaaday Agaasimihii Guud ee Bangiga Dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo, Guddoomiyeyaashii hore ee gobollada Hawd iyo Sanaag, Guddoomiyihii Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone-ka iyo xubin ka tirsan Guddiga maamulka Sare ee DP World.

Madaxweynaha Somalialnd, Muuse Biixi Cabdi

Md Muuse Biixi oo maanta soo saaray Wareegtooyin isugu jira xil-ka-qaadis iyo magacaabis, waxa uu digreeto madaxweyne ku magacaabay sagaal masuul oo buuxinaya boosaska masuuliyiinta xilalka laga qaaday iyo xilal hore uga bannaanaa hay’adaha dowladda.

Wareegtada madaxweynaha ayaa u qornayd sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-713/092021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

  1. Ku: Axmed Cige Maxamed Geeddi;

Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Hawd

  1. Ku: Axmed Cismaan Xasan Cilmi;

Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag

  1. Ku: Axmed Xasan Cabdi Carwo;

Agaasimihii Guud ee Hore ee Baanka Dhexe

  1. Ku: Maxamed Sheekh Faarax Cumar,

Guddoomiyihii Hore ee Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone

  1. Ku: Abiib Xaamud Jibriil,

Xubin Hore Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera

Mudane,

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad hore ugu hayseen Qaranka.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

  1. Maxamed Cilmi Ahmed Maxamuud Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex
  2. Maxamed Diiriye Xayd Nuur Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh.

3 Maxamed Cilmi Xuseen Axmed Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.

  1. Axmed Yaasiin Maxamed Faarax Guddoomiyaha Gobolka Hawd.
  2. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Xujaale Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.
  3. Mukhtaar Cabdi Quule Maxamuud Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe.
  4. Siciid Shugri Xuseen Cali Guddoomiyaha Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone.
  5. Axmed Xaaji Daahir Cilmi Ducaale Xubin Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera.
  6. Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse Xubin Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka.” Sidaas ayay u dhignayd digreetada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.