Madaxweyne Muuse Biixi oo Xadhigga Ka Jaray Mashaariicdii Ugu tirada Badneyd ee Wasaaradda Waxbarashada loo hirgaliyey

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhigga ka jaray 106 dhisme waxbarasho oo isugu jira 100-dugsi, 5 xarumood oo wax Akhris (Library) iyo dhismeyaal kale oo loo bineeyey wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland, kuwaas oo dhammaantood laga maalgeliyey miisaaniyadda qaranka ee 2020/21 iyo hay’adaha kale ee qaadhaanka siiya Somaliland.

Munaasibadda xadhig-ka-jarista oo lagu qabtay xarunta wasaaradda waxbarashada, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey  masuuliyiinta ugu sarraysa wasaaradda waxbarashada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, saraakiil sare iyo shaqaale kala duwan oo ka tirsan bahda waxbarashada, iyo marti-sharaf kale, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu faah-faahiyey jidkii wasaaraddu u martay inay dhismayaashaa waxbarasho dalka ka hirgeliso, si loo daboolo baahida waxbarasho ee waddanka ka jirta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu Daah-furay Barnaamijka AQOONJIRE oo ah Barnaamij duruusta manhajka oo duuban lagu shubayo Tablets cadceedda ku shaqeeya, waxbarashadana lagu gaadhsiinayo Ardayda miyiga. Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu daahfuray muuqbaahiyaha waxbarashada (Somaliland Education Channel) oo ay si joogto ah uga baxayso waxbarashada dugsiyada dalku.

Ugu horrayn wasiirka wasaaradda  wasaaradda waxbarashada, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), wasiir-ku-xigeenka, Mudane Axmed Xasan Nuur iyo agaasimaha guud, Mudane Axmed Abokor oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa si qoto dheer u sharraxay muhiimadda ay leedahay in ballaadhin iyo casriyeyn lagu sameeyo dugsiyada waxbarashada ee ay wasaaraddu gacanta ku hayso iyo tayeynta waxbrashada iyada oo laga duulayo siyaasadda qaranka ee waxbarashada lagu gaadhsiinayo dhammaanba ubadka yar yar ee reer Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhig-ka-jarista dhismeyaasha iyo mashaariicda kala duwan ee wasaaraddu hirgelisay kaddib, waxa uu halkaas ka jeediyey khudbad ballaadhan oo salka ku haysa muhiimadda waxbarashadu leedahay iyo sida loogu baahan yahay inay waxbarashadu horseed ka noqoto in la curiyo afkaar cusub oo horumar horseedi kara.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in wasaaradda waxbarashada looga baahan yahay inay dadka indhaha u furto, wacyiga bulshada, isku-duubnida iyo wax qabsashada shacabkana kor u qaaddo, “Wasaaradda waxbarashada waxa looga fadhiyaa in da’yarta ay gacanta ku hayaan inay abuurto inuu dadkeennu wax qabsado, ku gaadhi maynno horumar hay’adoow noo soo gurmada, waxana aan leeyahay ra’yigaas waa inaynu ka baxnaa, mana jiro qof ay gacan kale horumarisay, waase lagu caawin karaa. wasaaraddan waxaynu ka doonaynaa inaynu maskaxdeena ku samayno inay noqoto mid wax ikhtiraacda,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu ku ammaanay bahda waxbarashada dedaalka ay ugu jiraan inay waxbarashada gaadhsiiyaan meelaha miyiga ah ee magaalooyinka ka fog, si loo badiyo fursadaha ay da’yarta soo koraysaa ku heli karto waxbarasho joogto ah.