Madaxweyne Muuse Biixi oo wareejinaya xilka Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo 20-guurada kasoo wareegtay Aas-aaskii xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo kala duwan xambaarsan ka jeediyey munaasibadda, waxa uu sheegay inuu dhawaan wareejin doono guddoomiyenimada xisbiga oo la dooran doonto isla markaana lagu tartami doono.

“Maanta aniga waqtigaygii guddoomiyaha xisbigu waa gebogebo, dhawaanna waxa diyaar loo yahay in guddoomiyihii xisbiga la doorto, waxana aan idiin sheegayaa bahda KULMIYE inaanu KULMIYE arrintaas khilaaf ku geli doonin ee uu wixiisa sii dhammaysan doono, isaga oo midaysanna uu shirka iman doono sidii looga bartay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu hoosta ka xarriiqay in xisbiga KULMIYE xilliyadii uu mucaaridka ahaa ay caado u ahayd in waxyaabaha qarannimada la xidhiidha aanu dood gelinin oo uu ku garab istaagi jirey xukuumaddii jirtay, balse ay mucaaridka maantu caado taas ka duwan lasoo baxeen.

“KULMIYE markuu mucaaridka ahaa weligii dawladdii jirtay kulamuu murmin xafladaha qaranka iyo maalmaha  qaranka loo dabbaaldego, waana taariikh uu lahaa KULMIYE,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net