Madaxweyne Muuse Biixi oo Wada-hadal Deg-deg ah ugu Baaqay Xisbiyada Mucaaradka

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Guddoomiyeyaasha labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID ugu baaqay inay isugu yimaaddaan kulan deg-deg ah.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Hargeysa ayaa sheegay inuu doonayo in kulanka uu ugu baaqay Guddoomiyeyaasha Labada Xisbi lagu lafo-guro sidii loo dhamayn lahaa khilaafka hadda dalka ka taagan ee ku saabsan Doorashada iyo Dhismaha Komiishanka doorashooyinka.

“Waxaynu u baahan nahay in Xisbiyadeenu ka heshiiyaan Khilaafaadka jira, waxaan u arkaa inaynu doorasho deg-deg ah qabanaa waa muhiim dalkaana u baahan, waynu qaban karnaa doorashada dhaqaale iyo aqoon ahaanba iyadoon Cidna innaga caawin, doorashadu waxay dib ugu dhacaysaa waa khilaafka Xisbiyada oo cid kale Eedda lama laha.

Xisbiyadu markay diyaar-garoobaan ee ay ka heshiiyaan khilaafaadka Doorashada, waalla helayaa Dhaqaalaha, Talada iyo Shaqaalahaba, Nacasnimada ugu weyni waxay fuulaysaa Saddexda Xisbi ee ay ku heshiin waayay inay doorasho qabsadaan ee khilaafkoodu sannad jiitamayo,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi oo ka hadlay munaasibad uu maanta ku daah-furay Mashruuc lagu hirgelinayo Aagga ka Caaggan Cashuuraha ee Dekedda Berbera.

Hadalka Madaxweynaha ee la xidhiidha baaqa uu Xisbiyada Mucaaradka u jeediyey iyo Arrimo Kale kaga bogo muuqaalka Hoose