Madaxweyne Muuse Biixi oo Taxay Tallaabooyin Cadowtimo ah oo Dowladda Farmaajo kula kacday Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey fadhi wada-jir ah oo ay isugu yimaaddeen Labada Aqal baarlamaan ee Somaliland, ayaa taxay tallaabooyin cadowtinimo weheliso oo xukuumadda Maxamed Cabdilaahi Farmaajo kula kacday Somaliland muddadii uu xilka hayey.

Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in qaddiyadda Somaliland iyo go’aan qaadashada shacabkeedu dib ula soo noqdeen madax-bannaanidoodu tahay mid lama taabtaan ah, balse haddana ay xukuumaddiisu dhiirri-gelinayso in wada-hadal nabadeed lagu soo af-jaro xiisadda dhex-talla labada waddan.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay in tallaabooyinka ay dowladda Farmaajo qaadday ka mid yihiin Fulin la’aanta Heshiiskii Habka Maamulka Hawada Sare ee ay saxeexeen Madaxweyne Silanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo Arrimahan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Intii ay jirtay Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo waxay qaaday tallaabooyin cadawtinnimo oo kala ah: 1) Hor-joogsiga mashaariicdii horumarinta; oo ay ugu weynayd dagaalkii ay ka gashay dhismaha Dekedda Berbera. (2) Hor-joogsigii Sanduuqii mashaariicda horumarinta ee u gaarka ahaa Somaliland (Somaliland Special Arrangement). (3) In keligeed Dawladda Soomaaliya qaadatay Deeqaha Waxbarasho, Dhaqaale iyo Ciidan ee caalamku ku bixiyeen magacii Dawladdii Soomaaliyeed ee burburtay. (4) Fulin la’aanta Heshiiskii Habka Maamulka Hawada Sare ee ay saxeexeen Madaxweyne Silanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.(5) Isku daygii hor-joogsiga adhigii Xajka ee ka dhoofayey Dekedda Berbera. (6) La-dagaalanka dawlad kasta oo milgo iyo maamuus u muujisa Jamhuuriyadda Somaliland, sida tii ka dhacday Gini Konnaakari,” Sidaas ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray, “Intaas oo qodob iyo qaar ka sii daran iyaga oo ay jiraan, haddana waxaanu aaminsanahay in dhibaatada dhex-taala labada Dal lagu dhammeeyo wada-hadal iyo nabad.”

 

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net