Madaxweyne Muuse Biixi oo Tacsi u diray Marxuum Mujaahid Maxamed Boodhle oo maanta Geeriyooday

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa tacsi u diray ehelka, qaraabada, asxaabta iyo Bulshada uu ka baxay Allah Naxariistiisa Janno hawgu deeqo’e Marxuum Mujaahid Maxamed Boodhle Muxumed oo maanta u geeriyooday magaalada Gabiley.

Sida lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada, Md Muuse Biixi Cabdi waxa uu Marxuumka ku tilmaamay halgamaa ka baxay Dadka iyo Dalka isla markaana ka door muhiim ah ka soo qayb-qaatay Halgannadii nabadeynta, dib-u-dhiska iyo Dib-u-xoreyntii dalka.

Dhambaalka Tacsida ah oo ka soo baxay xafiiska afhayeenka Maxamuud Warsame, ayaa u qornaa sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Mujaahid Marxuum Maxamed Boodhle Maxamuud oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 05/11/2019, magaaladda Gabiley.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halgamaa ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii, nabadayntii iyo dib u xorayntii dalka.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo,” Sidaas ayaa lagu sheegay.