Madaxweyne Muuse Biixi Oo Soo Dhaweyn Aanu Hore Uga Arag Kala Kulmay Shacabka Degmada Qorilugud (SAWIRRO)

Advertisement

Qorilugud (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo muddooyinkanba safar shaqo ku marayey gobollada bari ee dalka, ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey degmada Qorilugud ee gobolka Buuhoodle.

Bulshada degmada Qoruligud oo lulaya calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan, islamarkaana ay hoggaaminayaan madaxda dhaqanka iyo maamulka degmadu, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa ku qaabilay dhinaca waqooyi ee magaalada Qorilugud, waxana ay u gelbiyeen aqalka martida loogu talo galay ee degmada, halkaas oo madaxweynaha iyo xubnaha weftigu kala hadleen shacabkii soo dhaweeyey.

Qaar kamid ah cuqaasha iyo madax-dhaqameedka degmada, maamulka xukuumadda u qaabilsan degmada iyo haldoor kale oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha iyo wefgtigiisa, waxana ay si cad u sheegeen in dadweynaha deegaankan ku dhaqani si buuxda u taageersan yihiin murrashaxiinta xisbiga KULMIYE ugu sharraxan jagooyinka madaxweynaha iyo ku-xigeenka.

Advertisement

Xubno kamid ah golaha wasiirrada oo la hadlay shacabka Qorilugud, ayaa uga mahadnaqay sida miglaha leh ee ay usoo dhaweeyeen madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana bulshada ku boorriyeen inay isku duubnidooda iyo midnimada dhexdooda ilaashadaan, difaaca dalkana meel adag uga soo wada jeestaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay bulshada degmada Qorilugud, ayaa uga mahadnaqay sida diirran ee ay usoo dhaweeyeen, waxana uu sheegay in shacabka reer Qorilugud qaranka astaan ugu yihiin difaaca iyo ilaalinta qarannimada Somaliland.

Advertisement