Madaxweyne Muuse Biixi oo si adag ula hadlay Dirir-beeleed ka soo cusboonaaday Gobolka Sanaag

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si qoto dheer uga hadlay xaaladda colaadeed ee kasoo cusboonaatay deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag, waxaanu baaq nabadeed u diray beelaha Walaalaha ah ee dirirtu u dhaxayso.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadlay, waxa uu waanooyin iyo talooyin wax ku ool ah u jeediyey hormuudka beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag, isaga oo tilmaamay in la joogo maalintii bulshadu midoobi lahayd.

“Waxan leeyahay dagaalka hala joojiyo, bishii Ramadaan-na way inagu soo dhaw dahay, Ilaahayna Barwaaqo badan iyo Roob iyo Nimco badan buu ina siiyey, col kale oo cudur ahina waa ina hayaa oo adduunka oo dhan haya, Maanta waa maalintii la wada-jiri lahaa ee la is kaashan lahaaye, ma aha maalintii xabbad la isku bilaabi lahaaye waxgaradka iyo waayeelka waxan usoo jeedinayaa in arrintaas halkaas lagu joojiyo,” sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhammaanba bulshada Somaliland, xukuumaddeeda, aqoonyahankeeda,waxgaradkeeda iyo haldoorkeeduba waqti badan geliyeen xalinta colaadda deegaannada Ceel-Afweyn oo marar badan xal laga dhex-dhaliyey, balse ay nasiib-darro tahay dhibaatada maanta soo cusboonaatay, sida madaxweynuhu tilmaamay.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net