Madaxweyne Muuse Biixi oo Shacabka ku hambalyeeyey Farxadda munaasibadda Ciidul-fidriga

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa guud ahaan shucuubta islaamka, gaar ahaanna bulshada reer Somaliland ugu hambalyeeyey munaasibadda ciidal-fidriga oo maalinta berri ah ku beegan.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu umadda Islaamka iyo guud ahaanba shucuubta islaamka ugu hambalyeeyey munaasibadda farxadda Ciidal-fidriga, waxana uu ugu baaqay inay isu naxariistaan, kuwooda baahan gacan qabtaan, isaga oo ugu duceeyey qof kasta oo Muslim ah inuu Ilaahay ka abqalo ducadii iyo Alla barigii bisha Ramadaanta, waxana uu yidhi,“Waxan dhammaan hambalyo u dirayaa ummadda reer Somaliland iyo gaar ahaan islaamka oo dhan in bishaa bisheeda Ilaahay muslimka ku simo nabadgelyo, badhaadhe iyo horumar, umadda Somaliland-na waxan usoo jeedinayaa inay marka koowaad Ilaahay ka cabsadaan, marka labaadna iskaashadaan, isku naxariistaan oo kii wax hayaa ka kale ee faro madhan u naxariisto.”

Madaxweynuhu waxa uu shacabka ugu baaqay inay muhiimad gaar ah siiyaan bixinta sekeda, islamarkaana ay dadka jilicsan ee ay ku waajibtay siiyaan, si dadka hayntoodu hoosaysaa u helaan wax noloshooda Kaaba oo ay baahida kaga baxaan.

Ugu dambayntii, waxa uu madaxweynuhu u rajeeyey umadda reer Somaliland iyo guud ahaanba bulshadda reer Somaliland inuu bishan bisheeda ku gaadhsiiyo Bash-bash iyo barwaaqo, midnimo iyo wada-jir iyo in Eebbe ka aqbalo acmaashii wanaagsanaa ee bisha Ramadaan.