Madaxweyne Muuse Biixi Oo Shaaciyey Aasaaska Shirkadda Diyaaradaha Somaliland Airlines

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaciyey Aasaaska shirkadda diyaaradaha Somaliland Airline, taas oo noqonaysa markii u horeysay ee Somaliland yeelato nidaam duullimaad oo ay iskeed u leedahay.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi ayaa khudbad-sannadeedkiisa dastuuriga ah oo uu ka horjeediyey Goleyaasha sharci-dejinta ku soo qaatay inay Hargeysa yaalla Afar diyaaradood oo ah nooca tabobarka duuliyeyaasha diyaaradaha, kuwaas oo bilow u noqon doona aasaaska Somaliland Airlines.

“Si loo bilaabo hawl-galka Somaliland Airline waxa loo baahan yahay in marka hore loo gogol-xaadho qaabkii ay ku hawl-geli lahayd, oo ah in la diyaariyo Farsamo-yaqaannadii (Engineers and Mechanics), Duuliyayaashii iyo inta la shaqaysa,” sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, wuxuu intaas ku daray, “Maanta waxa Hargeysa yaalla 4 Diyaaradood oo ah kuwa tababarka duuliyayaasha. Diyaaradahaas waxa leh Somaliland. Waxa kale oo Hargeysa jooga Duuliyayaashii iyo Farsamo-yaqaanadii Ardayda ku tababari lahaa. Tani waa talaabadii koowaad ee hir-gelinta qorshaha Somaliland Airline.”

Madaxweynaha Somaliland, ayaa shalay gelinkii hore booqasho ku tagay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa oo ay yaallaan Afar diyaaradood oo nooca tabobarka duulliyeyaasha iyo farsamo-yaqaannada diyaaradaha ah, kuwaasoo warbaahinta loo soo bandhigay.