Madaxweyne Muuse Biixi Oo Magacaabis, Xil-ka-qaadis iyo Isku-beddel ku Sameeyey Golihiisa Xukuumadda

Madaxweynaha Somaliland
Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray waxa uu isku-shaandheyn ku sameeyey xubno ka tirsan xukuumaddiisa, isagoo magacaabis, isku-beddel iyo xil-ka-qaadis sameeyey.

Madaxweynuhu uu xilka ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdilaahi Abokor Cismaan oo Shantii sanno ee u dambeeyey ka mid ahaa Golaha Wasiirrada Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wareegtada madaxweynaha ee is-xambaarsan, waxa uu Md Muuse Biixi Xil wasiir ugu magacaabay maareeyihii hore ee Dekedda Berbera Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-Xoor) oo muddo Toban sanno ku-dhow ka maqnaa saaxadda Siyaasadda iyo xilalka hay’adaha Dowladda.

Advertisement

Md Muuse Biixi Waxa uu Cali Xoor-xoor u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada, halka Wasiirkii Wasaaraddaas Mustafe Maxamuud Cali Bile (Godane) loo beddelay Wasaaradda Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

“Ku: Cabdillaahi Abokor Cismaan, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sunnaha Dawladnimo ayaa ah in uu xilku meerto yahay. Sidaa darteed laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aamiyay in aan kaa qaado xilkii Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad Qaranka u soo shaqaysay”.

Sidaas ayuu madaxweynuhu ku yidhi Digreetada uu xilka kaga qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdilaahi Abokor Cismaan oo sidoo kale soo noqday Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo uu xilkeeda hayay inta badan Shantii sanno ee uu ka tirsanaa Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isagoo ka mid ahaa Dhowr Wasiir oo Ka sii Hadhsan Golihii Wasiirrada ee shaqada la bilaabay xukuumadda madaxweyne Biixi markii uu talada dalka ku guulaystay doorashadii madaxtooyada sannadkii 2017-kii.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Advertisement