Madaxweyne Muuse Biixi oo Kormeeray Xarunta Guud ee Ciidanka Sirdoonka Qaranka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray xarunta Taliska Guud ee Sirdoonka Qaranka, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey taliyaha iyo saraakiisha kala duwan ee Sirdoonka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi waxa halkaas warbixin ku siiyey taliyaha ciidanka sirdoonka qaranka, Maxamed Saleebaan Xasan (Sablaale) oo faahfaahin ka bixiyey shaqooyinka kala duwan ee ay ciidanku qaranka u hayaan iyo horumarka ay sameeyeen, waxaana uu caddeeyey inuu gacanta ku hayo ciidan aqoon ahaan dhisan, qarankana u haya shaqo muhiim ah.

Madaxweynaha oo kormeeray dhammaan qaybaha kala duwan ee ay xaruntu ka kooban tahay, ayaa taliyayaasha kala duwan, saraakiisha iyo ciidankaba ku ammaanay shaqada adag ee ay qaranka u hayaan, waxana uu kula dardaarmay inay sii laban-laabaan shaqada ay qaranka u hayaan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa noqonaya hoggaamiyihii u horreeyey intii ay Somaliland jirtay ee si daah-furan oo warbaahinta laga sheegay booqasho kormeer ah ku tagay xarunta Ciidanka Sirdoonka ee Somaliland.

Taliska, saraakiisha iyo hawl-qabadka ay sameeyaan sirdoonka Qaranka, ayaan inta badan caado u ahayn in lagu arko ama faafiyo lagu arag ama lagu faafinta warbaahinta kala duwan, maadaama ay gacanta ku hayaan hawlo xasaasi ah oo udub-dhexaad u ah nabadgelyada guud ee Qaranka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpostnet