Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay Shaqsiyaddii iyo Doorkii Wax-qabad ee Marxuum Amb Cumar X Maxamuud oo Hargeysa ku Geeriyooday

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Amb. Cumar Xaaji Maxamuud oo Jimcaha maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Madaxweynaha Somalialnd, Muuse Biixi Cabdi

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay, nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, isagoo laba dal ka soo qabtay xilka safiirnimo ee Jamhuuriyadda Somaliland oo uu u fadhiyey sannadihii 1997 ilaa 2000 dalka Jabuuti iyo 2002 ilaa 2004 oo uu ahaa Safiirka dalka Itoobiya u fadhiyey Somaliland.

Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan (Cumar Dheere)

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda waxbarashada, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, gaar ahaan qoyska reer Ciise Cawaale, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Proff. Cismaan Ciise Cawaale oo shalay oo ay taariikhdu tahay 02/09/2021, lagu aasay caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahan ka baxay dalka iyo dadka kaalin muhiimana ku lahaa dib u dhiskii dalka, gaar ahaan dhinaca waxbarashada oo uu ku dhex jiray muddo 60 sanno ah mihnada macalinimo, isagoo muddo soo ahaa hormuudka kulliyadda waxbarashada Jaamacadda Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.