Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay Geerida Marxuum Xasan Maygaag Samatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Maygaag Samatar oo ku geeriyooday Xalay oo ay taariikhdu ahayd 30/10/2021, Dalka Sucuudi Arabiya. Waxaanu madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi dhammaan qoyska reer Maygaag Samatar.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahan iyo waayo arag ka baxay qaranka Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii dalka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.