Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Geerida General Jidhif iyo Maxamed Xaashi Cilmi

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay geerida ku timi Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) iyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi oo caawa ku kala geeriyooday magaalooyinka Hargeysa iyo Riyaad.

Marxuum Maxamed Xaashi Cilmi oo sidoo kale hore u soo noqday Maayirka Hargeysa, ayaa caawa ku geeriyooday cusbitaal ku yaalla magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga oo muddooyinkii u dambeeyey lagu dabiibayay halka Marxuum Maxamed Xasan Jidhif caawa ku geeriyooday cusbitaal ku yaalla Hargeysa oo gelinkii dambe ee maanta xaalad caafimaad loo dhigay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo caawa soo saaray dhambaalo tacsi ah oo uu kaga warramay aqoontii uu u lahaa labada marxuum, waxa uu madaxweynuhu ka sheekeeyey doorkii ay ku lahaayeen halgankii dib-u-xoreynta Somaliland iyo Hayaankii dhismaha dowladnimada Somaliland.

Md Muuse Biixi Cabdi, waxa uu marxuum Maxamed Xaashi Cilmi ku sifeeyey dhaqaale yahan ka tegey xasuuso badan oo dhinaca dhaqaalaha ah, kana baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay halgamadii kala danbeeyey ee dalka loo soo maray, isagoo ka mid ahaa aas-aasayaashii Ururkii SNM, sidoo kalena qayb ka ahaa nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii Dalka, markii danbena qarankiisa ugu shaqeeyey Xilal ay ka mid ahaayeen Maayarka Caasimada Hargeysa, Wasiirka Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Maaliyadda.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qaranka, ehelladi iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlayey shaqsiyadii Marxuum Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif), waxa uu  marxuumka ku sifeeyey taliye waayo arag ah oo door muhiima ka soo qaatay halgamadii kala danbeeyey ee dalka lagu xoreeyey, sidoo kalena qayb ka ahaa nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii dalka iyo ciidanka booliska Somaliland oo uu ka soo noqday Taliye ku xigeen, isagoo markii danbena noqday  taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qaranka, qoyskii, ehelladii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net