Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Dhammaadka Muddo-xileedka Xisbiyada iyo Qabsoomidda Doorashooyinka

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay muranka ka taagan qabsoomidda doorashooyinka dalka ka qorshaysan, waxana uu soo jeediyey in dhammaanba doorashooyinkaas loo daayo hay’adaha sharciga ah ee ay shaqadooda tahay.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in doorashooyinka taagan kala horraysiintooda loo maro waddooyin sharci ah, kuwaas oo loo daba fadhiyo hay’adaha arrimahaas qaranka u qaabilsan, waxaanu yidhi, “Dalku wuu deggen yahay doorashadana wuu gelayaa, habkii loo geli lahaa iyo hay’adihii doorashada qabanayeyna way dhan yihiin, intaas oo doorasho ayeynu u baahannahay waxaana ay u kala horreeyaan sida sharcigu dhigayo, sida doorashooyinka loo kala hormarinayo waxaynu u doorannay hay’ado, axsaabta tobankii sanoba mar hala furaa la yidhi, waxana ay u dooranay oo u xilsaaran Hay’adda Diiwaangelinta ururrada iyo axsaabta siyaasiga ah, guddidaasna Baarlamaankaa u codeeyey, Baarlamaankuna axsaabta oo dhan buu ka kooban yahay, xisbi walibana siyaasadiisa Baarlamaankuu mariyaa.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxaynu dhisnay Hay’addii doorashooyinka oo u garqaadaysa, xisbiyada tartami doona iyo madaxweyne iyo ku-xigeenka tartami doono, iyadana mucaarid iyo muxaafid waynu ku heshiinay oo waynu dhisnay, cidda kaliya ee ka hadli karta goorta doorasho la qabanayaana waa labadaas hay’adood, cid faro gelin kartaana ma jirto, waxaana loo sameeyey xeer adag”.

Advertisement

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka hadlay waxa uu sharcigu ka odhanayo doorashooyinka ururrada oo haatan waqtigoodii la taagan yahay waxaanu yidhi, “Saddex doorashaa yaalla, ta koowaad ee xisbiyada haddii muddada tobanka sanno ahi ka dhammaato xeerka Baarlamaanku ansixiyey ee ay ku shaqeeyaan muu sheegin haddii waqtigooda la qaban waayo sida la yeelayo, markaa qaranka waxa ku waajib ah in waqtigeedii la qabto, waayo tixraac kale maleh. Markaa immika waxaynu leenahay waqtigoodii baa la qabanayaa.”

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay waxa la yeelayo haddii doorashada madaxweynaha waqtigeeda lagu qaban waayo iyo cidda uu sharcigu arrintaas siiyey,“Madaxweynaha waqtigiisa haddii la qaban waayo Distoorkaa sheegay halka loo marayo oo sharci baa ka yaalla, sharcigu ciddii uu siiyey baana ka talinaysa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement