Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay Dad Shacab ah oo lagu dilay Gobolka Sool iyo Khilaafka Madaxda Soomaaliya

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay weerar khasaare nafeed sababay oo malleeshiyaad ka amar-qaata Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland ku soo qaadeen deegaamo ka tirsan Gobolka Sool.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in malleeshiyaadka ka tirsan maamul-goboleedka Puntland weerar ku soo qaadeen deegaamo ka tirsan Gobolka Sool isla markaana ay Dileen Lix Qof oo Shacab ah, kuwo kalena dhaawacyo u geysteen.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex-qarxay raysal-wasaaraha iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo cirka isku shareeray, waxaanu sababaha khilaafka ku eedeeyey Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Hadalka Madaxweynaha Somaliland oo maanta xadhigga ka Jaray Xarunta Daraasaynta Biyaha dhulka Hoostiisa u jira oo laga hirgeliyey Hargeysa