Madaxweyne Muuse Biixi oo Jawaab ka bixiyey Cabasho Mucaaradku ka muujiyey Xubnaha Cusub ee Komishanka Doorashada

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka jawaabay cabasho mucaaridka Somaliland, ka muujiyeen xubnaha guddida doorashada ee dhawaan uu soo magacaabay.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa shalay Golaha Wakiillada u gudbiyey warqad ay ku hakinayaan xubinta xisbigaasi u soo magacaabay Guddiga Doorashooyinka ee Cusub oo madaxweynuhu dorraad u gudbiyey Golaha, kaddib markii la soo dhammeystiray magacaabista Toddobada Xubnood ee Guddiga Doorashooyinka Cusub, iyadoo la sheegay inay taasi la xidhiidho cabasho xisbiga Waddani ka muujiyey Saddexda Xubnood ee madaxweynuhu magacaabay oo ay ku tilmaameen inay yihiin xubno ka tirsan xisbiga talada dalka hoggaamiya ee Kulmiye.

Madaxweyne Muuse Biixi oo hadal ka jeediyey munaasibad loogu dabbaaldegayo maalinta cuntada adduunka oo ku beegan 16-ka Bisha October oo maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu tilmaamay inuu xubnahaas u gudbiyey ciddii awoodda u lahayd inay axadho oo ay hubiso, go’aanka ay ka qaataanna uu ku qanacsan yahay.

“Labada xisbi ee mucaaridka ahi waxa ay keeneen labadii xubnood ee sharcigu siiyey, kumaan farogelin, waayo cid baa u dambaysa sharciga oo intayadaba dib u hubinaysa, sidii ay ahayd baanan u qaatay, Guurtiduna way ii keentay, iyana kuma farogelin oo xeerkaa ah in la is ixtiraamo, awoodda joojintana ma lihiye talo ayaan leeyahay, haddaan xataa wax qoonsado waxan odhan karaa xisbiyow malaha arrintaas sharcigaasaa ku gef ah oo Baarlamaanku way kugu qabsan doonaane halkaas ka sax, midnase ma odhan, anna intii sharcigu ii oggolaa uun baan kusoo daray,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas u daray, “Dadkaasna maxkamad baa la geynayaa, maxkamadduna waa Baarlamaanka, Baarlamaanka la leeyahay sharcigii aad dhigteen dadkaas lasoo naqeeyey ma waafaqsan yihiin, shirguddoonka Baarlamaanka oo qudhina ma laha arrintaase waxa leh gole weynaha, way faaqidi oo ka doodi, marka dambena cod bay u qaadi wixii ay soo celiyaanna, haddii aniga la igu soo celiyo iyo haddii xisbi lagu soo celiyoba ceeb ma ahee kuwo kale uun baa keeni oo waa la sixi, waayo sharciga ayaa sidaas oggol, haddii ay sii wada daayaanna waa awooddooda,” Sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi.

Todobada Xubnood ee Guddiga Doorashooyinka, waxa sida sharcigu dhigayo soo kala xula Madaxweynaha oo saddex xubnood soo magacaaba, Laba xubnood oo Xisbiyada mucaaradku soo xulaan iyo Laba xubnood oo Golaha Guurtidu soo magacaabo.

 

Somalilandpost.net