Madaxweyne Muuse Biixi oo Isbarbardhigay Dagaalka Ukraine iyo Duqeyntii Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa dalalka Ruushka iyo Ukraine ugu baaqay in dagaalka la joojiyo nabadna lagu dabaalo xaaalada, sidoo kalena waxa uu sheegay inaan Hargeisa iyo Burco wixii ka dhacay aanay Ukraine ka dhicin.

Sidaa waxa uu ku sheegay Madaxweyne Biixi mar uu maanta ka hadlayay Xaflada qalin-jabinta Dufcadii 7aad oo ka kooban 410-Sarkaal oo ka baxay kulliyada Tababarka Layli-Sarkaal Ee Cabdilaahi-Askar kana tirsan Ciidamada Qaranka.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn dalalka Ruushka iyo Ukraine ugu baaqay in dagaalka la joojiyo nabadna lagu dabaalo xaaalada, sidoo kalena waxa uu sheegay inaan Hargeisa iyo Burco wixii ka dhacay aanay Ukraine ka dhicin.

Advertisement

“Waxaan xusuustaa maanta marka adduunku sidaa Ukraine uga hadlaayo Anniga iyo inta ila da’ada ah ee u soo joogtay wixii ka dhacay Somaliland xusuus gaara ayey u leedahay, waayo sidii loo duqeeyey Hargeisa, Burco iyo wixii ku dhacay iyo rasaastii ku dhacday Caasimadda Ukraine kumay dhicin, Kyiv madaafiic waa weyn baa lala dhacaa laakiin sidii cadowtinimada lahayd ee halkan lagula dhaqmay wali may gaadhin, Hargeisa berigii dagaalku dhacay ee 1988 bari iyo galbeed waxay u ahayd 17KM Waqooyi iyo Koonfurna waxay u ahayd 13KM, Buurtaa Taliska guud dusheeda waxaa lasoo dhigay 60-Madfac oo siman oo nooc walba leh, xagga dhaqaaqa waxaa lasoo dhaqaajiyey dhawr iyo saddon taangi, wuxuu qorsheeyey ninkii halkaa ka talinaayey ee abbaan duulaha ka ahaa in Mitir kasta oo Hargeisa kamida ay Xabadi ku dhacdo, xattaa dagaalkii 1aad ee adduunka may dhicin,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Hadalka Madaxweynaha oo Muuqaal ah halkan hoose ka daawo

Follow us On