Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dhambaal Hambalyo iyo Duco Xambaarsan u diray Shacabka Somaliland

Somaliland president, Muse Bihi Abdi

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa munaasibadda Ciidul-Adxa awgeed hambalyo iyo duco u diray Shacabka JSL iyo guud ahaan umadda Muslimka ah ee dunida.

Waxa kale oo madaxweynuhu u duceeyey dadka xannuunka la jiifa oo uu Eebbe uga baryey inuu xannuunka ka dul-qaado uguna beddelo caafimaad taam ah, sida lagu sheegay dhambaal xambaarsan hambalyada iyo ducada madaxweynaha oo naga soo gaadhay xafiiska afhayenka madaxweynaha.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidal-Adxaha ee sannadka Hijriyada Islaamka ee 1442-ka oo maalinta berri ah ku beegan, waxaanu u rajaynayaa in sannadkan sannadkiisa ay ku gaadhaan bash-bash barwaaqo, nabad iyo caano.

Waxaanu madaxweynuhu Illaahay ka rajaynayaa in uu ciiddan ciiddeeda inagu gaadhsiiyo caafimaad qab, cibaado suubban, bash-bash, barwaaqo, nabadgelyo iyo horumar, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu inta bukta ee u jiifta xanuunnada ee aan inala ciidayna ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE u naxariisto una denbi dhaafo.

Ugu danbaynna, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka ee ku dhaqan dunida dacalladeeda. Ciidal Adxa awgeedna shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu leeyahay ciid-mubaarik, ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr.” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpos.net