Madaxweyne Muuse Biixi iyo Shirkadaha Shidaalka keena oo ka shiraya Qiimo-Korodhka ku yimi Shidaalka

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ka hadlay kor-u-kaca ku yimi qiimaha shidaalka oo toddobaadyadii u dambeeyey laga dareemay guud ahaan dalka, waxaanu sheegay inay jiraan laba laba arrimood oo uu sibir-saaray qiimo-bararka shidaalka.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in qiimaha shidaalku uu kor u kacay suuqyada dunida sababo la xidhiidha weerar lagu qaaday ceelasha shidaalka ee dalka Sucuudiga iyo xannuunka Covid-19 oo dunida kusoo laba kacleeyey.

Advertisement

”Illaa shalay waxaynu maqlaynay shidaalkii oo qaali garoobay, waa run oo adduunkoo dhan ayuu ka qaali garoobay laba sababood awgood, waa midda koowaade waxaa la weeraray ceelashii shidaalka ee Sucuudiga, midda labaadna waxaa soo laba kacleeyay xannuunka COVID-19,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey munaasibad uu maanta ka qayb-galay oo shirkadda Somtel ku daah-furtay saamiyo cusub oo shacabka loo soo bandhigay.

Haseyeeshee, Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu kaga dhawaajiyey in Xukuumadda iyo shirkadaha shidaalku ay dib u eegi doonan qiimaha shidaalka madaama lagu jiro xilli adag oo uu xanuunka Covid-19 fara ba’an ku hayo bulshada.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On