Madaxweyne Muuse Biixi Daah-Furay Shirweyne Caalami Ah Oo Somaliland Marti-gelisay

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay shir caalami ah oo lagu lafo-gurayo, lagagana doodayo nabadda iyo dawlad-dhiska, kaas oo uu soo qabanqaabiyey machadka BRENTHURST Foundation oo xaruntiisu tahay waddanka Koonfur Afrika.

Shirkan oo Sannadkan ay Somaliland marti-gelisay oo diiradda lagu saaro Amniga iyo dawlad-dhiska, kana mid ah barnaamij lagu falan-qeeyo ammaanka qaaradda Afrika (African Security Dialogue) isla markaana laguna casuumo waddamada Afrika ee muhiimka u ah arrimaha amniga, waxa ka soo qayb-galay aqoonyahanno, siyaasiyiin, cilmi-baadheyaal, saxafiiyiin iyo haldoor kale oo ka kala yimi ugu yaraan 17 waddan, waxaana muddada uu socdo lagu faaqidi doonaa arrimaha muhiim ah u amniga.

Madaxa macadka shirkan qabanqaabadiisa leh Dr. Greg Mills oo ugu horeyn shirka ka hadlday, ayaa ka sheekeeyey nuxurka shirka ku tilmaamay inuu salka ku hayo amniga iyo dhismaha dawladnimada, waxana uu tilmaamay inuu yahay shirkii ugu horreeyey ee machadkani ku qabto waddamada Geeska Afrika, islamarkaana ay ka maamul ahaan si buuxda ugu qushuucsan yihiin amniga, nabadda iyo xasiloonida ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi, ayaa soo dhaweeyey in shirkan lagu qabto gudaha Somaliland, waxana uu caddeeyey inay taasi caddaynayso xasilloonida iyo amniga ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida ay u tahay bogcad dunidu ku qabto kalsooni buuxda oo dhinac kasta ah.

Jidkii dheeraa ee ay Jamhuuriyadda Somaliland usoo martay qarannimadeeda, sidii ay uga soo gudubtay caqabadihii badnaa ee ku gedaannaa, hannaankii ay u xallisay khilaafyadii kala duwanaa ee Beelaha iyo habka ay qaran buuxa oo nabadgelyo iyo xasillooni buuxda haysta, ayuu madaxweynuhu u sharraxay khubaradii caalamiga ahayd ee shirka ku sugnayd, waxana uu sheegay inay Somaliland mudan tahay in laga barto cashar la xidhiidha amniga iyo dawlad-dhiska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse waxa uu sharraxay qiimaha ay leedahay nabadda iyo xasilloonida ay dadka deegaanku gacmahooda ku abuurtaan iyo sida ay horumarka loogu gaadho, waxana uu yidhi,“Nabaddu waa Aas-aaska qaran dhiska iyo horumarka, xasilloonida iyo amniga aad gacantaada ku samaysato ee aad halka ugu hoosaysa kasoo bilowdaa waxa uu ka wanaagsan yahay midda dunida kale kuusoo waariddo.”

Madaxweynuhu waxa si cad u sheegay inay Somaliland diyaar u tahay inay dunida wax la qaybsato, iskaashi buuxana la yeelato cid kasta oo ay isku dan noqdaan, islamarkaana ay sii wadi doonto adkaynta amniga, horumarinta dhaqaalaha, Dimuqraaddiyadda iyo horumarka dhinacyada kala duwan ee ay ku hawllan tahay.

Shirkan oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee lagu qabto dalalka Geeska Afrika, ayaa Jamhuuriyadda Somaliland u ah fursad weyn oo ay ku muujinayso qaangaadhnimo dawladeed, is-kaashi caalami ah iyo kasbashada saaxiibbo cusubba, shirkan iyo kuwo ka waaweyna in lagu qabto u diyaarsan tahay.

Gebogebadii shirka, waxa uu madaxweynaha qaranku Jawaabo waafi ah ka bixiyey su’aalo kala duwan oo ku saabsan sida uu ku yimi amniga Somaliland iyo Dimuqraaddiyadda hanaqaadka ah ee ay sababtay inay madaxweyneyaal badani xilka isugu wareejiyaan hannaan nabadgelyo ah oo aanay la qabin dalalka kale ee Geeska Afrika.

Madaxweynaha waxa shirka ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, ahna ku-simaha wasiirka, wasiirradda wasaaradaha, horumarinta maaliyadda, Arrimaha gudaha, Warfaafin iyo xubno kale oo xukuumadda katirsan.