Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Ku Baaqay in La Difaaco Heshiiska Somaliland iyo Ethiopia

Jigjiga (SLpost)- Madaxweynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar, ayaa shacabka Ethiopia ugu baaqay inay soo dhaweeyaan isla markaana difaacdaan Heshiiska Is-afgarad ee Dhexmaray Somaliland.

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo la hadlay warbaahinta dalka Itoobiya, waxa uu caddeeyey inay danta Soomaalida iyo guud ahaan shucuubta dalka Ethoipia ku jirto inay helaan marin-badeed, sidaa awgeedna ay waajib ku tahay qof kasta oo ku abtirsada Ethiopia inuu difaaco heshiiska is-afgarad ee Somaliland.

Madaxweyne Mustafe Waxa uu ku baaqay inay Shacabka Itoobiya dhegaha ka furaystaan wax uu ku tilmaamay ‘cadowga Itoobiya’ ee kasoo horjeeda horumarka dhaqaale ee dalkooda.

Madaxweyne Cagjar waxa ku sheegay in Heshiiskani ku dhisan yahay dano- isweydaarsi ama Iskaashi ay labada Dowladood ee Somaliland iyo Itoobiya ku kobcinayaan dhaqaalahooda iyo xidhiidhka Ganacsi ee ka dhexeeya.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal-wasaaraha Ethiopia ayaa bishii January ee sannadkan ka saxeexday heshiis is-afgarad oo nuxurkiisu xambaarsan iskaashi dhinacyo kala duwan ah.

Qodobbo ka mid ah Heshiiska ayaa dalka Ethiopia u oggolaanaya inay hesho dhul kiro ah oo ay ka hawl-galaan Ciidamadeeda Badda, waxaanay taas beddelkeeda Somaliland helaysaa inay Ethiopia noqoto dalkii ugu horreeyey ee waddan madax-bannaan u aqoonsada Jamhuuriyadda Somaliland tan iyo markii ay madax-bannaanideeda dib ugala soo noqotay Somalia sannadkii 1991-kii.