Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Ku Taliyay In La Mideeyo Doorashooyinka

Hargeysa(SLPOST);-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin,ayaa ku taliyay in la mideeyo doorashooyinka marka laga reebo ta deegaanka, waxaanu sheegay in burbur dhaqaale ay doorashooyinku dalka ku hayaan.

ax-yuuusf y

axmedWaxaanu xukuumadda haatan u soo jeediyay Axmed Yuusuf in la qabto diiwaangalin si looga dheeraado muran doorashada ka yimaada oo khal khal dalka galiya, waxaanu sidan ku sheegay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar uu u waramayay warbaahinta, waxaan isaga oo arimhaas ka hadlaaya uu yidhi “Doorashooyinka faraha badan dhaqaalaha ayay burburiyaan oo waxyeelo badan ayay  leeyihiin, wax hawl yarna maaha, waxaanan anigu ku talin lahaa in doorashooyinka laga dhigo ta deegaanka oo mar ah iyo inta kale oo mar la wada qabto, si ay inoo wada dhaafaan oo dalku uu u dhismo, waayo xiligayagii waxa wakhtigii naga qaaday 2001-dii waxaanu qabanay codayntii dastuurka,2002 waxaanu samaynay tii deegaanka, 2003-diina doorashadii madaxtooyada, 2005-tiina doorashadii golaha wakiilada, doorashooyinka badan waxay sameeyaan burbur dhaqaale iyo colaad, kolayba waynu koraynaa oo hore ayaynu u soconaa, maantana kursigii ma joogo laakiin talo ayaan ka bixinayaa.”

Axmed Yuusuf Yaasiin oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waa in la sameeyaa diiwaangalin aan guur guurin oo rasmi ah si aanu dalka wax khal khal ah ugu iman, haddii maanta diiwaan galin la samaynaayo waa in hadda la bilaabaa oo si habsami ah loo sameeyaa oo inaga oo diiwangalin rasmi ah helna mooyaane aan wax doorasho ah la qaban, sababta oo ah waxay keenaysaa cadaalad  iyo is qabqabsi la’aan, markaas waxaan ku talin lahaa in diiwaangalintaas si fiican loo hirgaliyo, oo waliba laga horaysiiyo kaadhka dhalashada,si qof kasdtaa uu u yeesho keedhkiisa dhalashada.”