Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Lagu Soo Dhaweeyey Xarunta Midowga Yurub

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wefti uu hoggaminayo, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium.

Madaxweyne ku-xigeenka oo maalmihii u dambeeyey safar shaqo ku galaa-bixiyey dhowr waddan oo ku yaalla Qaaradda Yurub, waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Brussels ku soo dhaweeyey Safiirka Somaliland u fadhiya dalka xarunta midowga Yurub ee Brussels, Ambassador Keysar Cabdilaahi oo ay wehelinayaan qaar ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee dalkaas.

Md Cabdiraxmaan Saylici ayaa la filayaa inuu booqasho ku tago xarunta Baarlamaanka Midowga Yurub isla markaana kulamo kula qaato qaar ka mid ah xildhibaannada Midowga Yurub ee taageera Qaddiyadda Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka waxa safarkiisa ku weheliya Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Qandaraasyada Qaranka Cabdicasii Cagaweyne iyo Sheekh Saleebaan Siciid Cali, maareeyihii hore ee Haamaha Keydka Shidaalka Berbera immikana ka tirsan madaxda Xisbiga Kulmiye.

Somalilandpost.net