Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Seexan Waayey Xildhibaan Barkhad Batuun

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil (Saylici), ayaa sheegay inuu ilaa hadda Ka Seexan Waayey Hadallo dhaliilo ah oo uga yimi Xildhibaan Barkhad Batuun oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiillada.

Madaxweyne ku-xigeenka Oo maanta hadal ka jeediyey munaasibad uu ka qayb-galay waxa uu sheegay in xildhibaanku dhaliilo aan sal iyo raad-toona lahayn oo uu ku sheegay inay lacago lunsadeen u jeediyey Guddi heer Qaran ee Xakamaynta Cudurka Covid-19 oo Md Cabdiraxmaan Saylici Guddoomiye u yahay.

Md Cabdiraxmaan Saylici waxa uu sheegay, “Hadalkiisii weli kama seexan Xildhibaan Barkhad Batuun”, ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka oo sheegay inay u-qaadan-waa ku noqotay dhaliisha uu xildhibaanku u jeediyey.