Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Hanjabaad u jeediyey Maayerka Boorama

 

Hargeys (SLpost)- Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Sheegay in Maayerka Magaalada Boorama Ku Fashilmay Masuuliyadda uu Bulshada Magaaladaas u Hayo, waxaanu dhalliisha ka sokow u jeediyey hadallo hanjabaad iyo sixitaan u muquuday.

Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Masuuliyiin kale, ayaa maanta gaadhay magaalada Boorama, waxaanu markii uu halkaas tegay hadal uu Warbaahinta siiyey ku sheegay in Maayerka Boorama ku fashilmay hawsha laga sugayey in golaha deegaanka ee uu hoggaamiyaa gutaan waajibaadka adeegyada bulshada ka saaran, isla markaana uu ka gaabiyey buuxinta shuruudaha la xisaabtanka.

Faahfaahinta Warkan ka Daawo Muuqaalka Hoose