Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Daah-furay Qorshaha Cusub ee Naqshadaynta Hargeya

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa si rasmi ah u daah-furay xog ururinta qorshe magaaleedka Caasimada dalka ee Hargaysa, kaas oo ay fulinayso Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Somaliland.

Munaasibadan oo ahayd mid si heer-sare ah loo soo agaasimay waxa ka qayb-galay Wasiiro ka tirsan xukumadda, maayirada magaalooyinka dalka qaarkood iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dhulka iyo Guryeynta Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradaasi Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo ugu horeyntii munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda hawlaha guud ay bilaabayso xog ururinta qorshe magaaleedka hargaysa , kaas oo ay sheegeen in loo raacayo hagaha Master Planka ee loo yaqaano NUPS.

Advertisement

Waxa ay intaasi ku dareen in qorshahan cusub marka uu dhamaado ay hargaysi noqon doonto caasimad la qurux ah caasimada kale ee adduunka, iyadoo 20- sannadood ee soo socda lagu shaqayn doono nashqadan cusub.

Maayirka Caasimada Hargaysa Cabdikariim Axmed Mooge oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ka dawlad hoose ahaan ay codsadeen in loo sameeyo Master Plan, waxa uu u mahadceliyey guddida nashaqaynta qaranka iyo wasaarada hawlaha guud oo uu sheegay in ay codsigaasi ka aqbaleen.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyaduna munaasibadaasi ka hadashay ayaa tilmaantay in ay tahay guul qaranka u soo hoyatay in qorshe magaaleed loo sameeyo caasimada dalka ee hargaysa.

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in xafiiska nashaqadaynta Wasaaradda Hawlaha Guud la hirgaliyey 12-sanno ka hor, mudadaas wixii ka dambeeyeyna ay qabteen shaqo aad u wanaagsan , waxa uu wasaaradda hawlaha guud ku hambalyeeyey in ay maanta bilowday qorshe magaaleedka hargaysa.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa isna dhankiisa tibaaxay in aan dadweynaha Hargaysa la yeeli doonin in ay ka hor yimaadaan qorshe magaaleedka cusub ee caasimada hargaysa, iyada oo hore loo soo qorsheeyey 7- magaalo oo ah darajada A iyo shan magaalo oo ah darajada B

Ugu dambayn Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) oo daah-furay xog ururinta qorshe magaaleedka Caasimada dalka ee Hargaysa ayaa ka waramay baahida ay hargaysi u qabto in ay yeelato qorshe magaaleed cusub, waxa uu sheegay in garab taagan yihiin fulinta nashqadan cusub , isagoo ku hambalyeeyey wasaarada hawlaha guud hambalyeeyey bilowga qorshahan.

Follow us On