Madaxweyne ku-xigeenka Oo Shacabka Awdal Uga Digay Duullaanno Qarsoon Oo Loo Maleegayo Somaliland

Boorama (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shacabka ku dhaqan gobolka Awdal uga digay duullaanno ka dhan ah qaranimada Somaliland oo laga soo maleegayo dalka dibaddiisa.

Madaxweyne ku-xigeenka oo maanta khudbad ka jeediyey munaasibad shahaadooyin lagu guddoonsiiyey in ka badan 400 arday oo ka qalin-jabiyey jaamacadda EELO oo magaalada Boorama, waxa uu bulshada ugu baaqay inay ka feejinaadaan shaqsiyaad qurbejoog ah oo doonaya inay waxyeelleeyaan nabadda iyo horumarka Somaliland gaar ahaan gobolka Awdal.

“Nabadgelyada aynu haysanno ayaa inoo suurto-galiyey inay maanta hormuud u noqono Aqoonta oo Jaamacadaheena waxbarasho loo soo doonto. Nabaddaas ayay doonayaan inay innagaga ciyaaraan shaqsiyaad qurbejoog ah oo carruurahoodii dibadaha joogaan,” Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa sidaas u sheegay bulshada gobolka Awdal.

Advertisement

Muuqaalka Hoose kaga bogo Hadalka madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net 

Follow us On