Madaxweyne Ku-xigeenka oo furay Mashruuc 350 Qoys Guryo loogu Dhisayo

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan CabdiLaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta ka qayb galay bilowga Mashruuc guryo loogu dhisayo 350 qoys oo ka mid ah dadka danyarta ah ee Ku dhaqan Magaalada Hargaysa.

Munaasibad lagu daah furayay Mashruucan Guryaha loogu dhisayo dadka dan yarta ah oo ay Fulinayso Hay’ada UN-HABITAT, kana faa’iidaysan doonaan qoysaska 350 Guri oo laga hirgalinayo Xaafada Ayaxa ee Koonfurta-galbeedka magaalada Hargaysa, waxaa ka qayb galay Wasiirada Wasaaradda Dibu dejinta, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Maayar ku xigeenka Magaalada Hargaysa iyo Mas’uuliyiin kale.

saylici11122-300x222Madaxa Hay’ada HABITAT Cabdi Aadan ayaa ka warbixiyay Mashruucan iyo faa’iidada uu ugu fadhiyo dadka danyarta ah isagoo xusay in hab bakhtiyaanasiib ah loogu qaybiyay dadka degi doona Guryahan.

Wasiirka Dib u dejinta ee Somaliland Md Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) ayaa sheegay in Mashruucan ay ku deeqday dawlada Japan isla markaana ay hirgalinayso hay’ada UN-Habitat. Waxa uu Wasiirku Xusay in Qorshaha loogu talo galay uu ku qotomo sidii ay hoy u heli lahaayeen barakacayaasha ka yimi Xeryaha Qaxoontiga iyo kuwa ku baro kacay dalka gudihiisa.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil oo gabagabada munaasabaddaas ka hadlay, ayaa u mahadceliyay Dawlada iyo dadka Japan ee ay ka timi deeqdan guryaha loogu dhisayo 350 qoys. Waxaa kale oo uu Madaxweyne ku xigeenku u mahadnaqay hay’ada UN/HABITAT ee Mashruucan fulinaysa doorkeeda la xidhiidha sidii ay beesha caalamka ugu bandhigto baahiyaha barkacayaasha iyo dadka danyarta ah ee dalka.

SOMALILANDPOST.NET