Madaxweyne-ku-xigeenka oo Furay Hool Casri ah oo Mulkiilaha Hotelka Summer Time ka Hirgeliyey Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xadhigga ka jaray dhisme hool casri ah oo loo sameeyey nidaamka caalamiga ah, kaas oo huteelka Summer Time ka hirgeliyey caasimadda Hargeysa.

Dhismahan oo ka kooban hool si aad u qurux baddan loo sameeyey, una qalabaysan qaababka caalamiga oo ay weheliyaan qolal adeegyadiisa lagu qabanayo oo loogu talogalay in lagu qabto shirarka kala duwan, aroosyada iyo guud ahaan xafladaha bulshada oo magaciisa loo bixiyey GREEN PLAZA, kaas oo laga hirgeliyey dacalka galbeed ee magaalada Hargeysa, waxa muddo dhawr sanno ah oo dhismihiisu socday ku baxday lacag saddex boqol iyo kontan kun oo dollarka Maraykanka ah.

Summer Time (5)Xaflad si heersare ah loo agaasimay oo loo sameeyey furitaanka dhismahan casriga ah oo lagu qabtay isla hoolkaasi caawa, kana qaybgaleen Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirrada Madaxtooyada iyo Hawlaha Guud iyo Guriyeynta – Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed, wasiir-ku-xigeennada Wasaaradaha Warfaafinta iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada – Md. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir iyo Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, xildhibaanno golayaasha qaranka ka tirsan, agaasimayaal iyo masuuliyiin kale oo hay’adaha dawladda ka tirsan, ganacsato kala duwan iyo marti sharaf tiradoodu ku dhawdayd kun qof oo isugu jiray macaamiisha huteelka Summer Time iyo dadweyne kale, waxa hadallo laga jeediyey si wayn loogu soo dhaweeyey dhismahan cusub oo hambalyo iyo bogaadin ballaadhan loogu jeediyey mulkiilaha huteelka Summer Time Sheekh Siciid Sh. Cumar oo ah nin dhallinyaro ah oo horumar wayn ka sameeyey ganacsiga.

Mulkiilaha huteelka Summer Time Sheekh Siciid Sh. Cumar Yuusuf oo furitaankii xafladda, ayaa sharraxaad ka bixiyey hoolka Green Plaza oo uu sheegay in cabbirkiisu ka kooban yahay 40mitir oo dherer ah iyo 17mitir ballac ah, qiyaas ahaana tirada uu qaadayaa tahay kun iyo shan boqol oo qof.

Summer Time (1)“Dhismaha hoolkan waxa nagu keliftay baahi jirtay awgeed kadib markii hoolka qaybta huteelka Summer Time nagu yaraaday, iyadoo mar walba macaamiishayadu na waydiinayeen hool wayn. Waxa kale oo jidka ku soo jira huteel fooq casri ah oo mustaqbalka dhaw dhammaan doona oo ka kooban ilaa dhawr iyo siddeetan qol hurdo, hool kan la mid ah iyo berkadda dabbaasha (swimming pool),” ayuu yidhi Siciid Sheekh Cumar.

Waxa kale oo uu ka sheekeeyey sida uu ku soo bilaabay ganacsigan oo ahayd meel aad u hoosaysa, waxaannu yidhi, “Ganacsigan waxaan aasaasay sannadkii 2003-dii, anigoo ka bilaabay meel goob telefoonnada laga dirto (Sub-station), Alxamdullilaah laakiin maanta way socotay, waxaannad iigu soo ducaysaan in dhismaha fooquna dhammaado.”

Eng. Axmed Warsame Siciid oo ah injineerka iska leh qaabka iyo dhismaha hoolkan, ayaa madasha ku sharraxay dhismahan oo uu sheegay in quruxintiisa ay ka sameeyeen khayraadka dalkeenna ku duuggan oo ay ugu wayntahay walax la yidhaa JIBSAN oo cilmigeeda uu kaga soo shaqayn jiray waddanka Sucuudiga, kadibna markii uu halkan baray dhallinyaro badan oo waqtigan ku shaqaysa naqshadaynta iyo qurxinta dhismayaal aan hore dalka uga jiri jirin.

Summer Time (3)Dhinaca kale, injineerku waxa uu ka warramay taariikhda iyo heerarkii uu soo maray Siciid Sheekh Cumar oo uu Abti u yahay, kaas oo uu xusay inuu sannadkii 1979-kii ku dhashay degaanka Sheekh Cumar ee duleedka Koonfur/galbeed ee Hargeysa, isla markaana sannadkii 1994-kii uu ugu tagay dalka Sucuudiga oo waqtigaasi ka shaqaynayey, kadibna uu isku dayey inuu waxbarasho ku daro, balse ay is-fahmiwaayeen Siciid oo doonayey inuu u dhoofo qaaradda Yurub.

“Siciid markii uu Sucuudiga iigu yimi waxa uu doonayey inuu tahriibo oo uu tago Yurub, haddaba, inamada doonaya inay tahriibaan, waxaad doonaysaan ee Yurub yaalaa halkan dalkeenna ayey yaalaan, Siciid oo dukaan yar oo telefoonada laga dirto iyo gaadhi yar oo uu kireeyo ku bilaabay, wuu dadaalay oo wuu guulaystay, maantana wuxuu taaganyahay oo hammigiisu hoolkan aynu joogno oo ay ku baxday lacag $350,000 (saddex boqol iyo kontan kun doollar) ee quruxdiisa iyo qiimihiisa arkaysaan inuu kartidiisa ku dhisto. Waxa kale oo uu halkan mar la bilaabay huteel kuwa ugu darajada sarreeya ka mid ah (five stars) oo iminka qabyo ah,” ayuu yidhi Eng. Axmed Warsame Siciid.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, ayaa ku dhiirigelisay dhallinyarada dalka inay ku daydaan oo si la mid ah Siciid Sheekh Cumar uga shaqaystaan, waxaanay tidhi, “Waa hubaal in dalkeennu leeyahay dhallinyaro fara badan oo maskax fiican leh oo firfircoon, waa hubaal in dalkeennu leeyahay khayraad fara badan, laakiin waxaynu u baahannahay in aynu ka midho-dhallino xooggeenna, caqligeenna iyo cilmigeennaba oo aynu isku darno. Markaa waxaynu leenahay dhallinyaradeennu muraqooga iyo cilmigoodaba aad ha u maroojiyaan, halka ay ku yaacayaan waddamada Yurub oo iyagaba dhallinyaradoodu ka saareen xaaladihii ay ku jireen iyagoo weliba aan haysan khayraadka ka buuxa dalkeenna.”

Summer Time (4)Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo isna madasha ka hadlay, ayaa bogaadin iyo hambalyo u diray mulkiilaha Summer Time dhismahan cusub iyo ganacsiyada uu bilaabay, waxaannu tilmaamay in mashaariicda noocan oo kale ahi ay yihiin maalgashi dalka faa’iido iyo dhaqaaleba u soo kordhinaya, isla markaana ay keenayaan shaqo-abuur badan iyo in maalgashadayaasha adduunku ku soo dhiiridaan inay dalka maalgashadaan, gaar ahaana huteellada iyo dhismayaasha cusub oo ah adeegyada loo baahan yahay iyo qurux indhaha soo jiidanaya.

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa dhismaha hoolkan iyo huteelka Summer Time ku tilmaamay inay yihiin dadaal wayn oo uu sameeyey Siciid Sheekh Cumar, Ilaahayna ku guuleeyey, isla markaana uu tusaale u yahay cid kasta oo doonaysa inay wax-ka-qabsato dalka.

Waxa kale oo xafladda hadlayo ka jeediyey Maamulaha guud ee Dahabshiil Group Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid oo shirkaddiisu maalgelisay dhismaha huteel fooq ah oo u socda mulkiilaha Summer Time, Cabdiwahaab Maax oo ku hadlayey afka dhallinyarada iyo Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), kuwaas oo dhammaantood isku raacay in dadaalka mulkiilaha Summer Time markhaati u yahay horumarka dhallinyaradu ka samayn karaan dalkooda iyo dihinaanta khayraadka dalkeenna, iyagoo dhallinyarada iyo dadka kale ee reer Somaliland-ba u soo jeediyey inay dadaalkaasi oo kale sameeyaan.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo khudbad kooban ku soo gabogabeeyey xafladda daah-furka hoolka Gree Plaza, ayaa hambalyo iyo duco uu u diray Siciid Sheekh Cumar kadib waxa uu ka sheekeeyey taariikhda xidhiidh hore uga dhexeeyey huteelka Summer Time oo uu macmiil u ahaa waqtigii mucaaradka uu ahaa, isagoo tilmaamo ka bixiyey cuntooyinkii iyo cabitaannadii uu ka isticmaali jiray iyo weliba dad ay khaftan-wadaag ku lahaayeen.

“Waxa la yidhaa madaxnimadu waa jeelka xorriyada, markaa intii aanan jeelka gelin ee aanan madaxweyne-ku-xigeenka noqon waxaan ka mid ahaa macaamiisha ugu waawayn ee Summer Time, cuntooyinkii aan maskaxdayda ka bixin waxa ka mid ahaa cunto la yidhaa Suldaan-dish, maantana anigoo Madaxweyne-ku-xigeenkii Qaranka ah waxaan ku faraxsanahay in dhismaha intan le’eg iyo maalgelinta intan le’eg ee uu sameeyey inaan u furo. Waxaanay tani ka turjumaysaa in cid kasta oo dadaal samaysaa ay meel gaadhi karto, arsaaqadda Ilaahay qaybiyaana dibad iyo gudo meel walba uu yaalo oo aannu qofku aaminin in dibadda oo keliya waxyaalaan ee gudaha dalkiisana uu ka helayo wixii u qoran,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici.

Gebogabadiina waxa halkaasi lagu soo bandhigay ciyaaro Hidaha Dhaqanka ah, gaar ahaan ciyaarta Sayliciga oo koox ka socotay Gobolka Awdal si layaab leh jiibta iyo jaanta isula heleen, iyadoo markaasi kadibna martida xafladda ka qaybgalay lagu sooray casho-sharaf loo diyaariyey.