Madaxweyne Biixi oo War Cusub oo ka soo saaray Garoonka Diyaaradaha ee Berbera “Waxba Iska beddelin heshiiskii…”

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inaanay waxba iska beddelin heshiis 25 Sanno ah oo Dowladda Somaliland la gashay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, heshiiskaas oo dhigayey Dib-u-dhis iyo Casriyeyn lagu samaynayo Dekedda Berbera iyo Madaarka magaalada Berbera oo laga dhigayo saldhig-milatari ee dalka Imaaraadku ka samaysanayo.

Hadalka Madaxweyne Biixi, ayaa ka dambeeyey kaddib hadal uu shalay magaalada Berbera ka sheegay inay xukuumaad ahaan gacantooda ku soo celiyeen garoonka diyaaradaha ee Berbera, hadalkaas oo micnihiisu u dhignaa in garoonka Berbera noqonayo garoon ay isticmaalaan diyaaradaha shacabka ahi kaddib dib u dhis iyo casriyn lagu samayn doono. Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay inay dhowaan imanayso shirkadda dhisaysay garoonka isla markaana la samayn doono Terminal ay ka duullaan diyaaradaha shacabku. Balse waxa loo qaatay loona tarjuntay hadalkiisa in xukuumaddu ka noqotay heshiiskaas.

Madaxweynaha Somaliland oo maanta hadal ka jeediyey Xaflad loo qabtay qalin-jabinta dufacaddii 9aad ee ka baxda jaamacadda magaalada Burco, waxa uu sheegay inaanay waxba iska beddelin heshiiska saldhigga Milatari ee dowladda Imaaraadku ka samaysatay Garoonka diyaaraha ee Berbera isla markaana uu imika dhammaystiran yahay oo ciidamadu isticmaali doonaan, balse sidoo kale garoonka lagu soo kordhinayo Terminal ay isticmaalaan diyaaradaha shacabka, isla markaana labadooduba ay iska barbar-shaqayn doonaan.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Madaxweynuhu ka jeediyey Jaamacadda Magaalada Burco

 

Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net
somalilandpost@live.com